GLOBAL NEWS

Duqa London oo loo Doortay markii u Horreysay Mas’uul Muslim ah oo kasoo jeeda Qaarada Asia


Sadiq Khan oo ka tirsan xubnaha Xisbiga Shaqaalaha, ayaa loo doortay Duqa magaalada London ee Caasimadda Britain, Wuxuuna jagadaas uu hayn doonaan muddo afar sannadoo ah.

Tallaabadan ayaa soo af-jartay muddo Siddeed sano oo jagadaan uu soo hayay mas’uul ka tirsan xisbiga Muxaafidka ah ee dalka Britain.

Sidoo kale, Khan kama aanu mid ahayn Musharraxiinta la hadal hayay ee la saadaalinayay inay jagadan ku guuleysan doonaan. Isagoo noqonaya mas’uulkii u horreeyay oo Muslim ah oo jagadaas qabta.

Duqa cusub ee Magaalada London ayay da’diisu tahay 45-jir ah, isagoo soo jeeda dalka Pakistan, kana mid ahaa qoys ka kooban sideed carruur ah, Hooyo iyo Aabbe. Sidoo kale, Aabbihii wuxuu ahaa darawal Bas, hooyadiina waxay ka shaqeyn jirtay Harqaanka dharka lagu tolo.

Khan ayaa wuxuu inta badan ku dadaali jiray sidii uu heer uga gaari lahaa nolosha. Waa garyaqaan ka baxay kuliyadda sharciga ee Jaamacadda North London. Wuxuu leeyahay xaas iyo laba gabdhood.

Duqa Magaalada London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo ballaaran, iyadoo Dadka qaar ay shakiyo ka qabaan in Mr Sadiq Khan uu howshaas kasoo bixi karo. Laakiin wuxuu ku adkeysanayaa inuu metelayo dhammaan shacabka London, uuna wax ka qaban doono sinnaan la’aanta.