GLOBAL NEWS

Dugsiga hoose dhexe – sare ee Deegaan


Deegaan waxaa asaasay dhalinyaro aqoonyahanno ah oo dareemay mas’uuliyadda ka saraan waxbaridda Ubadka Soomaaliyeed.

Dugsiga waxaa la asaasay 16 August 2006, Xilli ay Dalka ka jirtay baahida waxbarashada asaasiga ah, halkaasoo uu Bulshada Soomaaliyeed kula qaybsaday wadcigii adkaa ay soo mareen. Dugsiga waxaa uu ku guulaystay in uu 2007 bixiyo shahaadoyin arday dhamaysatay tababar xirfadeed kuwaa la baray xirfadaha asaasiga ah sida xarqaan tolidda, faryaamada & Korontada.

Dufacdii ugu horreysay waxaa uu dugsigu soo saaray sanadkii 2012 tirada ardayduna waxay ahaayeen 38 arday (20Wiil & 18 Gabdhood). Dufacada 2aad waxay ka qalinjabisay 55 arday kuwaa oo kala ahaa (33 wiil & 22 Gabdhood). Dufcada 3 aad waxay Dugsiga ka qalinjabisay 69 arday waxayna ka koobnaayeen (51 wiil & 18 Gabdhood).

Dugsigu waxaa uu ka tirsan ahay dugsiyada ku midoobay dalladda waxbarshada ee FPENS; mana jirto hayad uu dugsigu siyaasadeeda ku shaqeeya ama wax gacan ka siisa howl maalmeedkiisa.

Ujeedooyinka Dugsiga:

  • Baahinta Cilmiga & Ka hortagga Jahliga.
  • Gacan qabashada Agoonta & Caruur ka dhasay reeraha dan yarta ah.
  • Ku Barbaarinta ubadka Soomaaliyeed dhaqankeenna Soo jireenka ah.

Hiigsiga & Himilada Dugsiga:

  • In uu noqdo hogaanka dugsiyada dalka ku yaalla & kuwa gobolkaba.
  • Baahinta adeegga waxbarasho heer Dagmo, Tuulo & Gobol.

Xarumaha Dugsiga:

Dugsigu waxaa uu xarumo ku leeyahay Caasimadda Dalka kuwaa oo ku kala yaalla Dagmada wadajir & Dagmada Dharkinley.

Maadooyinka lagu barto Dugsiga :

Dugsiga hoose waxaa lagu bartaa:

Tarbiyada Islaamka, Carabi, Soomaali, Xisaab,Ingiriis & Seynis.

Dugsiga Dhexe:

Tarbiyada Islaamka, Carabi, Soomaali, Xisaab,Ingiriis & Seynis.

Dugsiga Sare:

Tarbiyada Islaamka, Carabi, Soomaali, Xisaab,Ingiriis, Fisigis, Bayooloji,Kimistary,Taariikh, Juquraafi & Cilmiga Luqadda carabiga.

Dugsiga waxaa wax ka dhigta 11 macallimiin oo isugu jira rag iyo dumarba macaliinmta wax ka dhigti waxa ay ka soo bexee jaamacad waxa ay soo mareen heerar kala duwan ee shaqo dhammaan macallimiinta dugsiga waxbarashadoodu waxay gaarsiisan tahay ilaa heer jaamacadeed.

Dugsiga waxa uu u baahan yahay agab farabadan mana lahan cid siinaysaa waayo dugsiga ardeyda waxa uu u qabtaa tartamo badan sida:

  • Qur’aanka kariimka
  • Maadooyin
  • Suugaanta
  • Hidaha iyo dhaqankeena suuban
  • Kubada cagta
  • Xarig boodka
  • Musaracada Gacabta

Iyo waxyaabo aad u farxad geliya jiilka Soomaaliyee balse dugsiga waxa uusan heysan agabkii lagu hormarin lahaa ubadkaan Soomaaliyeed si ay ula jaanqaadi lahaayeen asaagooga

Dugsiga agabka uu hada baahida u qabo waxaa ka mid ah:

No Magaca agabka Tirada Qiimaha 1kii xabo Wadarta
i. Kuraas iyo Miisas 100 xabo $ 20 $ 2000
ii. Uniform (wiil) 53 arday $ 13 $ 689
iii. Uniform (Gabdho) 67 arday $ 18 $ 1206
iv. Kaamiro (Duubis) 1 xabo $ 380 $ 380
v. Kaamiro (Sawir) 1 xabo $ 120 $120
vi. Computer 1 xabo $ 350 $ 350
vii. Printer 1 xabo $ 60 $ 60
viii. Samecado 2 xabo $ 180 $ 180
ix. Kursi xafiis 3 xabo $ 70 $ 210
x. Miis 2 xabo $ 120 $ 240
xi. $ 5437

 

Dugsiga waxa hada aad iyo aad ugu baahan yahay oo uu rabo in gacan laga siiyo

 

Dugsiga Hoose Dhexe Sare ee Deegaan (1)