AF-SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo qosheeyneeysa in ay dib dalka uga howlgeliso maamulkii hawada Soomaaliya


Kulanan uu madaxweyenaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Farmaajo la qaatay Maareeyaha guud ee hay’adda duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya Capt. Cabdi Waaxid Cumar Sheekh Axmed ayaa ahaa mid looga wada hadlayay xaaladda maamulka hawada Soomaaliya iyo shaqaalaha ka howlgala.

Maareeyaha ayaa uga warbixiyay madaxweeynaha xaaladda ay ku shaqeeyaan howlwadeennada hay’ada duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya iyo marxaladihii adkaa ee ay soo mareen isagoo sheegay in maamulka hawada Soomaaliya ay weli xaruntiisa tahay magaalada Nairobi.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duuliska hawada ama (Civic Aviation) ayaa la wareegtay maamulka hawada Soomaaliya sanaddu markay ahayd 1993-dii kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, dalkuna galay dagaallo sokeeye.


Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay dooneeys in ay dib ugu hanato maamulkii hawada Soomaaliya, ayadoo ay meel wanaagsan marayaan dadaallo ay dowladdu waday oo ku aadan arimahaasi, lana filayo in dowladda cusub ay arintaasi xoogga saarto.Tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa burburay inta badan hay’adihii dowliga ahaa, waxaana haatan Soomaaliya ka jirta dowlad rasmi ah oo caalamku aqoonsanyahay, taa oo dadaal ugu jirta in ay dib usoo celiso dhammaan adeegyadii kala duwanaa ee ay dowladda masuulka uga ahayd bulshada.