AF-SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo wadajir u dalbaday $ 80 million dollar


Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey ayaa wada jir u dalbaday lacag dhan $ 80 million oo dollar si wax looga qabto xaalada bani’aadannimo ee ka dhalatay daadadka, roobabka iyo duufaannada wada socda ee ku dhuftay qeybo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA) ayaa sheegay in roobabkii ka da’ay Soomaaliya in ay sababeen fatahaadii ugu badneyd muddo 30 sano ah.

Tirada dadka ay waxyeellada ka soo gaartay roobabka iyo daadadka ku dhuftay qeybo badan oo ka mid dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay 750,000 halka dadka barakacaaysha ay gaarayaan ilaa 229,000 oo qof.

Waxaa uu sidoo kale uu sheegay xafiiska in ay jiraan khasaare ballaaran sidda naf ,maal , barakac, burbur ku yimid kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya,waxaana uu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay bixiyaan 80 Milyan si wax looga qabto dhibaatadda.

Maalmihii ugu danbeeyay Soomaaliya marka la eego guud ahaan warka ugu weyn waxaa uu ahaa xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay roobabka iyo daadadka ku fatahay gobollo dhowr oo ka tirsan dalka.