GLOBAL NEWS

Dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo Itoobiya oo Qaabab kala duwan uga hadlay Weerarkii Halgan


Inkastoo la sheegay in Khasaare Culus loogu Geystay Al-shabaab Weerarkii ay ku qaadeen saldhigga ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah AMISOM ee ku yaalla Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan, ayaa haddana Siyaabo kala duwan ay uga Hadleen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Ammaanka Gudaha Soomaaliya, AMISOM, Dowladda Itoobiya iyo Maamulka deegaanka Halgan.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed oo la hadlay Idaacadda Dowladda Somalia ee Radio Muqdisho, ayaa caddeeyay in Weerarkii shalay ee deegaanka Halgan lagu dilay 240 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, C/qaadir Sh. Cali Diini oo ay shalay si wadajir ah u qabteen shir jaraa’id Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa isagana sheegay in lagu dilay Weerarkaas 120 ka tirsan xoogagga Al-shabaab, laguna qabtay Hubkii ay wateen oo isugu jiray Qoryaha Fudud iyo kuwa Daran-dooriga u dhaca.

Afhayeenka ciidamada AMISOM ee Somalia, Jeo Kibet oo isna la hadlayay SONNA oo ah Wakaaladda Wararka Soomaaliya, ayaa sheegay inay ku dileen dagaalkii ka dhacay Halgan ee Gobolka Hiiraan in ka badan 100 ka tisran xoogagga Al-shabaab.

“Weeerarkii Halgan waxaa Al-Shabaab looga dilay 120-ruux, sidoo kale Hub badan ayaa looga furtay, kuwaasoo ay ka mid yihiin qoryaha fudud ee AK-47-ka ah oo ku dhaw 100-qori, garneellada garbaha laga tuuro iyo gaadiid dagaal,” sidaasna waxaa isna yiri safiir ku xigeenka safaaradda Itoobiya ee Somalia, Kamaaludiin Mustafa oo la hadlay warbaahinta.

Guddoomiyaha deegaanka Halgan, Guhaad oo isna la hadlay warbaahinta ayaa ku sheegay weerarkii Al-shabaab ay ku qaaday deegaanka Halgan inuu fashilmay isla markaana lagu Dilay 150-dagaal-yahan oo Al-shabaab ka tirsan, ciidamadana aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa Waxay iyaduna Sheegtay inay Weerarkaas ku dishay in ka badan 60 Askari oo isugu jira; Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo Ciidamada Somalia ee saldhigyada ku lahaa Halgan, inkastoo aysan sheegin khasaaraha dhankooda soo gaaray.

Ugu dambeyn, Marka laga soo tago Wararkaas is-khilaafsan – ma jiraan Warar ka Madax-bannaan dhinacyadan oo Xaqiijinaya khasaarihii weerarkii deegaanka Halgan ka dhashay.