GLOBAL NEWS

Dowladda Somalia oo safiir cusub u magacowday Safaarada Soomaaliya ee Magaalada Roma, Itlay


Xukuumadda Soomaaliya, ayaa bedeshay Safiirkii u joogay Magaalada Roma ee Xarunta dalka Talyaaniga, Jen. Muuse Xasan Cabdulle, Waxaana lagu bedelay, Jen. C/raxmaan Sheekh Ciise.

Ilo- wareedyo lagu Kalsoon yahay ayaa HOL u sheegay in is-bedelkaan ay mar hore Meel-mariyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Somalia, inkastoo aan si rasmi ah Magacaabista safiirka cusub ee Somalia u fariisan doona Roma iyo bedelida Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay dalka Talyaaniga.

Jen. C/raxmaan Sh. Ciise ayaa wuxuu ka tirsanaan jiray ciidamadii xoogga Somalia intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Somalia, isagoo taliye kasoo noqday xerada 26-aad ee ciidamada xoogga dalka ee Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, Danjiraha cusub ee loo magacaabay Waddanka Talyaaniga, ayaa haatan wuxuu ahaa la-taliyaha dhanka Difaaca ee Madaxweynaha Soomaaliya, Waxaana Tani ay Qayb ka noqonaysaa isbedello ay dhawaanahan xukuumadda Somalia ku Sameynaysay Qaar ka mid ah danjirayaasha Soomaaliya u jooga Caalamka.

Danjirahan Cusub ee loo magacaabay Talyaaniga ayaa wuxuu ka mid ahaa tiro danjirayaal ah oo ay bishii Maarso ee sannadkan ay Golaha Wasiirada xukuumaddda Somalia ay meel-mariyeen inay danjirayaal ka noqdaan dalal kala duwan oo caalamka ah.

Ugu dabeyn, Danjire C/raxmaan Sh. Ciise, ayaa wax ku bartay gudaha dalka iyo dibadiisa isagoo bartay akademiya millateriga, isla markaana wuxuu ahaa khabiir dhanka ciidamada ah.