GLOBAL NEWS

Dowladda Somalia iyo Maamullada dalka oo kala saxiixday heshiis lagu wadaagayo kheyraadka


Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta heshiis ku kala saxiixday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada kala ah; Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur-galbeed, kaasoo ahaa is-faham siyaasadeed ku wajahan in laga wada faa’iideysto kheyraadka dalka.

Wasiirka batroolka xukuumadda Somalia, Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo la hadlay war-baahinta ayaa sheegay in heshiisku uu dhigayo in guddi ka kooban dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada dalka lagu soo magaaabo muddo toddoba casho gudahood ah, guddigaasoo ka shaqeynaya qaabkii loo maamuli lahaa, loona maareyn lahaa shidaalka iyo khayraadka kale ee dalka.

“Heshiiskan waa mid hordhac ah oo la rabo in la gaaro is-faham siyaasadeed oo ku aaddan qaabkii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka, sidaas awgeedna waxaa ka go’an wasaaradda bartoolka inay hir-gelino heshiiskaas; waxaana tegi doonnaa magaalooyinka maamulladaas si aan u ambaqaadno heshiiskaas,” ayuu yiri wasiirka batoolka Somalia.

Sidoo kale, wasiirka batoolka ayaa intaas ku daray inay doonayaan in dastuurka hadhow la sameynayo lagu saleeyo is-faham siyaasadeed oo ku saleysan qaabkii lagu wadaagi lahaa kheyraadka dalka, si aysan u dhicin is-faham-darro colaad abuurta.

“Maamullada dalka ka jira waxay soo magacaabanayaan dadkii uga qayb-gali lahaa wada-hadalkaan, dowladda dhexe iyo xubnahaas ayaana ka wada-shaqeyn doona is-faham buuxa oo la gaaro. Wax walba oo kheyraadka dalka khuseeyna waxay noqon doonaan kuwo laga wadahadlo sida laga yeelayo heshiisyadii hore iyo sida laga yeelayo kheyraadka aan wada-wadaageyno.