GLOBAL NEWS

Dowladda FS oo ka Hadashay Weerarradii LIIDO iyo Dhimashada oo Gaartay 25-qof


Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in la soo Af-jaray Howl-galkii Xeebta LIIDO, halkaasoo ay xalay weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka oo socday muddo 10-saac ah, ayaa waxaa ku dhintay 25-ruux oo ay afar ka mid ah yihiin xoogagii weerarka ku qaaday baar Liido Sea Food, iyadoo saddex mid ah dadkan ay dhaawac ahaan ugu geeriyoodeen isbitaalka Madiina.

Wasiirka Amniga Qaranka ayaa xusay in la qabtay ruuxii hogaaminayay weerarradaas soo abaabulay, iyaoo sidoo kalena ay hay’adda nabadsugiddu Qaranka ku sheegtay warbixin ay soo saartay in hoggaamiyaha weerarkaas la qabtay.

“Kooxo hubeysan oo lagu qiyaasay lix illaa siddeed qof ayaa weerarkan geystay. Runtiina waxaa jiray khaladaad dhanka ganacsatada ah oo ay ahayd inay meelahaas oo kale wax ka qabtaan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga oo VOA-da la hadlayay.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in weerarka uu muddo dheer qaatay ayna ku guuleysteen ugu dambeyn lasoo afjaro, wuxuuna xusay in kooxaha weerarka geystay ay ahaayeen kuwo lugeynaya oo aan doomo ku imaan xeebta.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ninka la qabtay loo haystay inuu ka dambeeyay weerar hore oo Muqdisho lagu qaaday ayna ciidamada ammanka dowladda Soomaaliya si aad ah u baadi-goobayeen, iyadoo magaciisa aan weli la shaacin.

Goob-joogayaal ka badbaaday weerarka ayaa waxay sheegay in dabelydu ay rasaas oodda uga qaadeen dadkii fadhiyay hoteelka markii ay gudaha u galeen, halkaasoo ay dad badan ku dileen, waxaana dadka dhintay ka mid ahaa saddex qof oo walaalo ahaa, kuwaasoo kala ahaa laba gabdhood iyo wiil. waxaa kaloo ku jiray haweeney dhallinyaro ah iyo cunug yar oo ay dhashay.

Dhanka kale, waxaa ka mid ahaa dadka weerarkii xalay lagu qaaday Liido ku dhintay mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka maamul-goboleedka Galmudug oo lagu magacaabi jiray, Bile Maxamuud Diiriye oo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa Maqaahida Liido Sea Food.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaan, iyagoo sheegay inay ku weerareen hoteelka xubno ay ugu yeereen cadowga Alle, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ay ka geysteen weerarkii ay ku qaadeen maqaayadda Liido Sea Food.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee sannadkan cusub ay Muqdisho ka geysato Al-shbaaab, iyadoo kooxdu ay horay uga digtay in la tago baararka ku yaalla Xeebta Liido oo ay habeenkii shacab badan ku caweeyaan.