AF-SOOMAALI

Dowlada Somalia oo shaacisay in la qaarajiyey waaligii Al-shabaab ee gobolka Banaadir


Dowlada Soomaaliya ayaa caawa xaqiijisay in waaligii ama guddoomiyihii Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Banaadir Shiikh Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal) lagu dilay duqeyn ka dhacday gobolka Sh/hoose.

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaarada warfaafinta Somalia ayaa lagu sheegay in dilka hogaamiyahan ay fuliyeen saaxiibada caalamiga ah ee Somalia oo ay ula jeedaan ciidamada Maraykanka.

Dowlada ayaa sheegtay in Shiikh Cali Jabal uu masuul ka ahaa dilal iyo qaraxyo lagu hoobtay oo sanadihii la soo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana war-saxaafadeedka dowlada uu u qornaa sidatan:-

War-saxaaradeed

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday howlgal qorsheysan oo ciidanka Soomaalida ay la qaadeen ciidamada aan saaxiibada nahay agagaarka Tooro-Toorow oo la rumeysanyahay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cali Mohamed Xuseen (Cali Jabal).

Cali Jabal ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha argagaxisada Al-Shabaab oo mus’uulka ka ahaa qorsheynta dilalka iyo qaraxyada oo dad badan oo aan waxba galabsan ay ku geeriyoodeen Muqdisho.

Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an badbaadada shacabka Soomaaliyeed oo Guusha Howlgalkan qorsheysan waa mid yareynaya awooda ay argagaxisada Al-Shabaab ku dili lahaayeen dad aan waxba galabsan ee Soomaaliya, wadamada deriska ah ee Bariga Afrika iyo Caalmka guud ahaan.

DHAMAAD