AF-SOOMAALI

Dowlada Somalia oo lagu wareejiyey qalabkii lagu hagi lahaa hawada Somalia


Dowlada Talyaaniga ayaa maanta ku wareejisay Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya qalabkii lagu hagi lahaa Hawada Soomaaliya oo si rasmi ah loo bilaabay in loogu rakibo garoonka Aadan cadde.

Waxaa si rasmi ah u gudoomay qalabkan Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo dhulka Maxamed C/llaahi iyo Maareeyaha Guud ee Hey’adda saadaasha iyo duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabulle.

Talaabadan ayaa suuragelinaysa in saddex bilood ka dib ay Soomaaliya yeelato qalab casri ah oo lagu hago Hawada Soomaaliya iyo shaqaale tababaran.

Maareeyaha Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada Yuusuf Cabdi Cabdulle ayaa sheegay in dhowaan dowladdu si rasmi ah ula wareegi doonto Maamulka Hawada Soomaaliya 26 sano ka badan oo ay gacanta ku heysay Hey’adda Qaramada Midoobey ee a ICAO.

Saddex konteynar oo ay ku jiraan qalabkan ayaa la bilaabay la rakibo maanta iyadoo arintan ay soo afjareyso dedaal dheer ee dowlada Soomaaliya ugu jirtay sidii ay gacanteeda ugu soo celin laheyd maamulka hawada kaasoo hadda soo gaaray heer gebogebo ah.