AF-SOOMAALI

Dowlad-gobolleedyada oo ku dhawaaqay xisbi siyaasadeed cusub


Hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada ayaa dhisay xisbi siyaasadeed cusub kaas oo la magac baxay Horu-socod Qaran.
Xisbiga Horu-socod Qaran waxaa si kumeel-gaar ah u hoggaamin doona madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,sida ku cad war-murtiyeed laga soo saaray shirka madasha wada-tashiga dowlad-gobolleedyada oo goor dhow lagu soo gabagabeeyay magaalada Garoowe.
Ma jirto macluumaad badan oo laga bixiyay dhismaha xisbiga oo ku soo aadaya, xilli dalka uu isku diyaarinaya dhismaha asxaabta siyaasadda ee ka qaybgalaya doorashada dalka ka dhacaysa 2020-ka.
Dowlad-gobolleedyada ma aysan sheegin haddii xisbiga ay ku midoobeen inuu ka qaybgalayo doorashada guud ee dalka ka dhacaysa, balse inta badan hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada xil-heyntooda waxay dhammaanaysaa ka hor doorashada madaxweynaha ee dalka ka dhacaysa sannadka 2020-ka.