AF-SOOMAALI

Doorashadii guddoonka aqalka sare oo la soo gabagabeeyay


Waxaa goor dhaw gabi ahaanba la soo gabagabeeyay doorashada guddoonka aqalka sare ee Soomaaliya, kaddib markii xildhibaanno ka kooban 52 labo xubnood kala saareen 16 musharax oo u tartamayay guddoonka sare.

Doorashada guddoomiye ku-xigeenka aqalka labaad oo goor dhaw la soo gabagabeeyay ayaa waxaa ku guuleystay Mowliid Xusseen Guhaad oo helay 28 cod, halka musharixiin la tartamayay C/kaafi Macalin Xassan uu hellay 24 cod.

Siddoo kale waxaa maanta la doortay Cabdi Xaanshi Cabdullaahi oo noqday guddoomiyaha aqalka sare, halka ku-xigeenkiisa koowaad loo doortay Abshir Max’ed Axmed [Bukhaari]

Ugu danbeyntii, labada aqal ee kala ah gollaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la filayaa in ay yeeshaan fadhi wada jir ah oo ay uga arinsan doonaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah mid siweyn isha loogu wada hayo.