AF-SOOMAALI

Doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka oo qeybta Jubaland oo Kismaayo ka bilaabatay


Goordhow waxaa magaalada Kismaayo si rasmi ah uga furantay doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka qeybta Jubaland, ayadoo xarunta Daawad oo ah halka ay doorashada ka dhaceeyso ay ku suganyihiin ergadii soo dooran lahayd mudaneyaasha.

Hoolka Daawad ayaa loo sameeyay qeybo kala duwan oo lagu soo dooran doono xildhibaannada, ayadoo qeyb walba la dhigay Sanduuqyada codeynta, waxaana ku sugan xubnaha gudiga doorashooyinka, musharixiinta, ergada soo dooran doonto musharaxa iyo korjoogto caalami ah.

Maanta ayaa la filayaa in la dhameystiro doorashada ilaa lix mudane oo kamid noqon doona baarlamanka dalka.

Dib ayaan idinka soo gudbin doonna natiijooyinka kama danbeysta ah ee doorashada.