AF-SOOMAALI

Doorashada Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo dhacaysa 7da Nofeembar


Ayadoo waqtigu uu isasii dhimaayo ayaa haatan waxaa loo qabtay 7da Nofeembar in la qabto doorashada madaxweynenimada Soomaaliya.

Maalintaa ayaa waxaa shaaca ka qaaday in doorashadaa la qaban doono Guddiga Hoggaanka Qaran ee NLF.

Maalintaa ayaa 275 xubnood oo ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya waxay dooran doonaan madaxweynaha 9aad ee Soomaaliya.

Xubnaha NLF ayaa kulmay si ay usoo gabagabeeyaan jadwalka iyo inay hirgaliyaan guddiga muranada, hababka hirgalinta iyo ansixinta sharuudaha tixraaca.

Waxay kaloo u kulmeen inay ka wada hadlaan cabashooyinka iyo dhammaystirka miisaaniyada doorashooyinka.

Waxay kaloo ka wada hadleen xallinta arimaha muhiimka ah sida waxa ay tahay in la sameeyo hadii hal murashax uu kursi kaligii u sharraxan yahay iyo xaalada Muqdisho oo ah caasimada dalka marka laga hadlaayo doorashada.

Waxyaabo kale oo yoolal ah ayaa wareegto NLF uu soo saaray bishii Abriil waxaa lagu caddeeyay in 30% xubnaha labada aqal ay tahay in laga dhigo dumar.

Dad badan oo siyaasada qaadaa dhiga iyo kormeereyaal ayaa shaki ka qaba in lagu guuleysan karo arinkaa iyo sida loogu guuleysan karo.

Doorashadaan oo ay hareeyeen dib u dhac iyo mucaaradad ka imaanaysa dastuuryahano-dadka dastuurka in lagu dhago jecel, ayaa weli waxaa ka dhimman arimo badan oo in la qabto ay tahay hadii la doonayo maalintaa ah 7da Nofeembar in la qabto doorashada.

Tillaabo taxaddar ah ahaan ayaa baarlamaanku bishii Juun wax uga baddalay dastuurka arinkaa oo saamaxaya in baarlamaanku sii wadi karo hawlihiisa hadii ay qabsoomi weydo doorashadu bishaan Agoosto oo loo meel dhigay markii hore inay dhacdo.

13,750 xubnood oo ah wakiilada wax dooranaya kuwaasoo matalaya dadka Soomaaliya oo gaaraya 10.5 milyan oo qof ayaa qasab ay tahay marka hore inay soo xushaan 275 xubnood oo uu leeyahay aqalka hoose.

Waqtiga loo qabtay soo xulidda xubnaha aqalka hoose ayaa ah inta u dhexeysa 1da iyo 14ka Oktoobar magacyada xildhibaanadana waxaa loo meel dhigay 17ka Oktoobar.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa waxaa la dooranayaa 28da Oktoobar, taasina waa tillaabada ugu dambeysa ee ka horeysa shaaca ka qaadida doorashada madaxweynaha ee Nofeembar 7.

Walaac dhanka ammaanka ah dartii ayaa NLF wuxuu meesha ka saaray doorasho qof iyo cod ah oo la ballan qaaday sanadkii 2012 asagoo sheegay in aysan qabsoomi karayn wuxuuna go’aansaday qabashada doorashadaan sida dadban ah.

Hoggaamiyeyaasha ayaa ballan qaadaya in doorasho qof iyo cod ah la qaban doono sanadka 2020.

Soomaaliya maysan lahayn dawlad lagu soo doortay doorasho dimuqraadi ah oo qof iyo cod ah tan iyo sanadkii 1969kii.

Halkaan hoose waxaa ah jadwalka doorashada lagu wado inay sanadkaan dalka ka dhacdo:

Qorshe Hawleedka Waqtiyeysan
Waqtiga, Geeddi socodka, Masuuliyadda

 

 

Agoosto

 

4 Agoosto – 6 Agoosto

  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)

 

  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka ay ka dhacayaan (tusmaynta madax dhaqameedyada )

 

  • Musharaxiinta hadii kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?

 

  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga

 

 

  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan (hadii aysan dhisnayn ka hor xiliga doorashada);

 

  • Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banadir iyo howl-galintooda

 

  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka;
  • Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee labada aqal ee Barlamaanka;

 

  • Ansaxinta iyo Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016

 

 

 

7-13 Agoosto

Diyaarinta Xafiisyada GDGDD ee Xarumaha Doorashada

 

 

MHQ

 

MHQ

 

 

14 Agoosto -20 Agoosto

  • Tababarka Guddiyada doorashooyinka

federal iyo heer maamul Goboleed (GDGDD)

(Mudadan waxay isugu jirtaa Imaanshaha iyo Noqoshada)

GFHDD/QM

 

 

21 Agoosto – 24 Agoosto

  • Tababarada 135 Madax dhaqameedyada
  • Qaadashada warqadaha Aqoonsiga .

GDGDD/GFHDD

 

 

Siteembar 2016

 

25 Agoosto – 10 Siteembar

  • 135 ta Madax dhaqameed ayaa soo gudbinaya liiska magacyada ergada
  • Xalinta Khilaafaadka ee Ergooyinka
  • Shaqaalaynta iyo tababarada howlwadeenada doorashooyinka

Madax Dhaqameedka /GDGDD/GFHDD

 

 

25 Siteembar

Dhisida iyo soo gudbinta xildhibanada Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn bisha Siteembar 25-da, 2016

MHQ

 

 

11-30 Siteembar

  • Baahinta Waqtiga Diiwaangalinta Musharixiinta
  • Hubinta shuruudaha Musharaxa iyo Diiwaangalintooda
  • Diiwaangalinta Korjoogtada.

GFHDD

 

Oktoobar 2016

 

Oktoobar 2016

 

01-14 Oktoobar

  • Doorashada Golaha shacabka

GDGDD/GFHDD

 

 

15- 17 Oktoobar

  • Hubinta iyo ku dhawaaqidda natiijada kama dambaysta ah

GFHDD

 

18 Oktoobar

  • Dhaarinta Golaha Shacabka

Maxkamadda Sare

 

28 Oktoobar

  • Doorashada Guddomiyaha Baarlamaanka

Baarlamaanka

 

 

07 Nofeembar

  • Doorashada Madaxweynaha Jamuuriyadda Federalka Soomaliya