AF-SOOMAALI

Donald Trump oo loo dhaariyay xafiiska madaxweynaha dalka Mareykanka


Donald John Trump madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka, ayaa munaasabad siweyn loo soo agaasimay maanta si rasmi ah ula wareegay xafiiska, isaga oo noqonaya madaxweynihii 45 aad soo mara Mareykanka.

Donald Trump oo ku guuleystay doorashadii sanadkii ina dhaafay ee 2016ka ka dhacday dalka Mareykanka ayeey dunida inteeda badan u karaan nin leh astaamo iyo siyaasado qalafsan, gaar ahaan marka la eego erada uu adeegsado xiliyada uu khudbadaha jeedinayo.

Si rasmi ah ayuu xilka ugala wareegay madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama kadib markii lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday aqalka Capitol Hill ee congress-ka Mareykanka.

Ku dhowaad hal milyan oo qof oo ka kala yimid dhammaan gobollada dalka Mareykanka ayaa isugu yimid magaalada caasimadda ah ee Washington DC oo ah halka ay munaasabada ka dhacday si ay goob jog ugu noqdaan maalintan taariikhiga ah.

Trump ayaa xilka uu qabtay ku macneeyey in shacabka Mareykanka ay xukunkii dalkooda kala wareegeen “Koox yar oo Washington DC” ku sugan.

Laakiin hadana dhinaca kale marka la eego kama marneyn meesha dibadbaxyo looga soo horjeeday oo ay dhigayeen dad aan la dhacsaneyn in Trump oo madaxweyne ka noqdo dalka Mareykanka, hasse ahatee waxaa muuqaneysa in si kastaba uu hada yahay Donald Trump madaxweynaha rasmiga ah ee dalka Mareykanka.

Ugu danbeyntii, dadka ay sidan gaarka ah u taabatay doorashadii Donald Trump ee sanadkii hore ayaa waxaa ka mid ah dadka ajnabiga ah ee dalkaasi ku dhaqan oo ay Soomaalida ku jiraan, kaddib markii uu ula macaamilay isaga oo adeegsanaya erayo adag si gaar ah farta ugu go’daya sharci ahaanshaha joogitaankooda dalka Mareykanka.