GLOBAL NEWS

Diyaarada TURKISH Airlines oo Maanta kasoo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho


Diyaarada Turkish Airline ayaa maanta kasoo Dagtay Garoonka Diyaaradaha Aden Adde ee Muqdisho, kaddib Muddo Laba Toddobaad ku dhow oo aysan soo Cago-dhigan, markaasoo ahayd markii Qarax uu ka dhex-dhacay Diyaaraddii DAALLO Airlines oo Muqdisho ka duushay kuna socotay dalka Jabuuti, iyadoo weerarkan Mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-shaabab.

Xamuul iyo Rakaab ay kasoo qaaday magaalada Istanbuul ee Turkiga ayaa la sheegay inay Diyaaraddu waday, iyadoo Duulimaadka ay maanta Muqdisho ku timid lagu sheegay inuu ahaa mid lama filaan ah, inkastoo dowladda Somalia iyo shirkadda Turkish Airlines aysan weli ka hadlin dib u billaabidda Duullimaadyadii diyaaradda Turkiga laga leeyahay.

Sidoo kale, Duullimaadka ay diyaaradda Turkish Airlines ku Timid Muqdisho ayaa Wuxuu kusoo beegmaya iyadoo Mas’uuliyiinta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ay sheegeen in la adkeeyay ammaanka guud ee garoonka Muqdisho.

Yahya Ustun oo ah afhayeen u hadlay Shirkadda Turkish Airlines ayaa horay u sheegay in diyaaradoodu ay u baajisay duullimaadyadii ay Garoonka Muqdisho ku tegi jiray cilimada ama hawada uu xumayd awgeed. Isagoo aan bixin Faah-faahin intaas ka badan.

Afhayeenka ayaa Turkish Airlines ayaa ka gaabsaday su’aalo ay weydiisay VOA-da oo ku Saabsanaa, in ay wax kala socdaan Qaraxii lagu Weeraray Diyaaraddii Daallo Airlines iyo inay baaqashadoodu la xiriirto ammaan-xumo ay dareemeen.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa shalay si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadii lagu weeraray diyaaradda Daallo Airlines, iyagoo sheegay inay weerarrada noocan oo kale ah ay sii wadi doonaan, kuwaasoo ay xuseen inay ku beegsadeen xubno ay sheegeen inay la shaqeeyaan sirdoonka Reer Galbeedka iyo kuwa dalka Turkiga.

Ugu dambeyn, Shirkadda Turkish Airlines ayaa duulimaadyada ay ku timaaddo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho billowday 2012-kii, Waxayna ahayd Diyaaraddii ugu horreysay oo Caalami ah oo duullimaad ku timaadda Muqdisho muddo labaatan sano ka badan.