AF-SOOMAALI

Diyaarad ka timid Kenya oo Qaad sidda oo Saaka ka dagay Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug


Diyaarad JAAD wadda oo ka timid Kenya ayaa ka degtay saakay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, kaddib markii shalay aysan ka dagin diyaaradaha jaadka, lana sheegay in Puntland ay uu ka Hir-galay go’aankii joojinta diyaaradaha Jaadka ee Dowladda Soomaaliya.

Ganacsatada Jaadka, ayaa billaabay inay u dabaal-dagaan qaadka Gaalkacyo laga dajiyay maanta, waxaana la sheegayaa inay hawada kusoo jiraan diyaarado kale oo qaad sida oo ku socda Baydhabo iyo deegaanno kale.

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in shalay Magaaladaa oo dhan laga dareemay jaad la’aanta, balse Saakay oo ay dadku mar Qura ku farxeen Warka ah in diyaarad jaadka sida ee gaartay magaaladaas.

Magaalada Garoowe ayaa shalay geeyay jaad ka dagay degmada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaasoo ay ka taliso Somaliland. Waxaana Somaliland iyo Puntland ay horay u sheegeen inaysan jirin saameyn uu ku yeelanayo go’aanka Dowladda FS ee lagu joojiyay diyaaradaha Jaadka.

Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay si KMG ah u joojisay diyaaradaha ka yimaada Kenya ee jaadka keena Muqdisho, iyadoo caasimadda oo keliya uu amarkan saameyn xooggan ku yeeshay.