GLOBAL NEWS

Diyaar-garow loogu jiro Shirkii Madasha Qaran iyo Shariif Xasan oo ku laabtay Baydhabo


Madaxweynaha Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Shariif Xasan iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Baydhabo kusoo dhaweeyay Ciidamada Maamulkiisa iyo Qaybaha Shacabka, Waxaana ay kusoo Aadaysaa imaashahiisa Baydhabo iyadoo uu magaaladaas ka furmi doono shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee Doorashada 2016-ka.

Madaxweynaha Koonfur-galbeed – ayaa Sheegay in loo Diyaar-garoobayo inuu Baydhabo ka furmo Berri Shirka Madasha Doorashooyinka Dalka, Wuxuuna ku tilmaamay shirkan mid muhiimad u leh Soomaalida oo dhan.

“Guddiga Qaban-qaabada shirka ku hawlan waa kuwo waajibkooda si aad u wanaagsan uga soo baxay, waxaana ku rajo-weynahay in shirkaas ay kasoo bixi doonaan qodobbo wax ku ool ah,” ayuu ku daray hadalkiisa Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo uu ku sugan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo xubno uu hoggaaminayo.

Ugu dambeyn, Arbacada Berri ah ayaa la filayaa in shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee looga hadli doono Doorashooyinka 2016-ka ee Soomaaliya uu berri si Rasmi ah uga furmo Magaaladaas.