AF-SOOMAALI

Diiwaangelinta Musharixiinta aqalka hoose qeybta Jubaland oo ka bilaabatay Kismaayo


Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose waxaa si rasmi ah uga bilaabatay diiwaangelinta musharixiinta dooneeysa in ay kamid noqdaan xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka.

Gudiga doorashooyinka dadban ee Jubaland ayaa si rasmi ah uga bilaabay xarunta Daawad ee magaalada Kismaayo, diiwaangelinta musharixiinta, ayadoo hore loo diiwaangeliyay ergada soo dooran doonta xildhibaanada aqalka hoose.

Maxamuud Xasan Cilmi (Obaama) oo ah gudoomiye kuxigeenka gudiga doorashooyinka dadban ee Jubaland oo shabakadda HOL uga warbixiyay arimaha doorashooyinka ayaa sheegay in maanta ay si rasmi ay u bilaabeen diiwaangelinta musharixiinta, isagoo xusay in ay si dardar leh u socoto howsha diiwaangelinta, ayna xarunta soo gaareen musharixiin badan.

Ololaha Doorashooyinka sida looga dareemayo Kismaayo

Magaalada Kismaayo ayaa siweyn looga dareemayaa ololaha musharixiinta aqalka hoose ay ugu jiraan in ay helaan kusrigaasi, ayadoo mashquul laga dareemayo Hoteellada waaweyn ee magaalada oo ay shirar joogto ah uga socdaan musharixiinta iyo beelaha ay codka ka doonayaan.

Sidoo kale, waxaa jira muran u dhexeeya qaar kamid ah beelaha oo ku aadan arimaha doorashooyinka, ayadoo beeluhu ay ku muransanyihiin arimo ay kamid yihiin beelo helay aqalka sare oo doonaya in aqalka hoosena ay helaan iyo beelo kale oo ku doodaya in beelaha xubno uga guuleystay aqalka sare ay ka tanaasulaan kursigii ay ku lahaayeen aqalka hoose, taasoo gudiga doorashooyinka ay inoo sheegeen in ay tahay arimaha ugu badan ee uu muranka ka jiro, sidoo kale waxaa jirta cabashooyin ku aadan ergada loo xulay in ay soo doortaan xubnaha aqalka hoose oo ay qabaan beelaha qaarkood.

Qoondada haweenka

43 Xildhibaan ayaa laga doonayaa guud ahaan Jubaland, waxaa la doonayaa in 30% ay haween noqdaan, sidaa oo ay tahay waxaa jira beelo dood adag ka keenay in haween la siiyo kursigii ay ku lahaayeen baarlamanka dalka, balse gudiga doorashooyinka ayaa beelaha cadaadis ku saaraya in ay buuxiyaan dhameystirka qoondadii haweenku ku lahaayeen xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka.

Ururrada haweenka Jubaland ayaa mudooyinkii u danbeeyay kulamo kala duwan la qaadanayay madaxda Jubaland iyo odoyaasha dhaqanka beelaha, ayagoo ku adkeynayay in ay ilaaliyaan qoondada ay haweenku ku leeyihiin saami qeeybsiga dalka.

Gudoomiye ku xigeenka gudiga doorashooyinka dadban ee Jubaland Maxamuud Xasan Cilmi ayaa HOL u sheegay in cabashooyinka uga yimaadaan beelaha ay ku xalliyaan sida ugu macquulsan, isagoo sheegay in ay jiraan cabashooyin badan oo beelaha ka imaanaya, balse ay intooda badan maareeyaan.

Xilliga la qabanayo doorashada aqalka hoose

Gudiga doorashooyinka Dadban ayaa sheegay in marka ay dhameeyaan diiwaangelinta musharixiinta ay si rasmi ah u bilaabi doonaan doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa mar aan arimahaasi wax ka weeydiinnay yiri; “Walaahi waqtiga saxda ah ee ay doorashada bilaaban doonto kuuma sheegi karo balse marka ay diiwaangelinta dhamaato tallaabada xigta waxay noqon doonta doorashada xubnaha aqalka hoose.”

Doorashooyinka xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka dalka ayaa sanadkan ka badalan sidii hore, ayadoo mudanaha kamid noqonaya baarlamanka ay soo dooran doonaan ergo ka kooban 51 oo kasoo jeeda beesha uu mudanahaasi ka dashay.