AF-SOOMAALI

Dhisimaha Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda XF Somalia oo Maanta Xarigga laga Jaray


Munaasabad xarigga looga jarayay dhismaha cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Somalia, ayaa maanta lagu Qabtay Muqdisho, iyadoo Xaruntan uu xarigga ka jaray Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheikh Maxamuud, waxaana goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Somalia Maxamed Adan Ibraahim [Farkeeti] ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in ay maanta Rumooday riyadii madaxweynaha dalka ee ahayd inuu dib u dhis ku sameynayo Wasaarada Maaliyadda inta uu xafiiska joogo.

“Waxaana qalbiga gashaday in wasaarada Maaliyada aan dib u dhiso intaan xafiiska joogo, si shacabka loogu fududeeyo adeegyada ay uga baahan yihiin wasaaradda oo hada si KMG ah ugu shaqeysa madaxtooyada. Waxaa xusid mudan in aan haysannay lacag Laba Milyan oo Doollar ah oo ay Dowladda Sweden noogu Deeqday, Waxayna soo jeediyeen Shirkado shisheeya ah in la dumiyo dhismahaan, balse Waxaan go’aan ku gaarnay in Wasaaradu ay bixiso lacagta lagu dayactirayo dhismahaan halkii laga dumin lahaa, lacagta kalena waxaan Dhisamaheeda ku billaabaynaa Bisha soo aaddan Wasaaradda Lacagta,” ayuu yiri Wasiirka Maailyadda Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa xiritaankii xafladdaan ka sheegay in ballan-qaadkii Lixda Tiir ee ay ahayd Hagaajinta Nidaamka Maaliyadda Dalka… Maantana lagu guulaystay.

“Faraxad weyn ayay ii tahay maanta in si xawli ah uu dalku dib ugu soo kabanayo, waana meeshii labaad oo aan maanta furo. Afar sano ka hor, waxaan ballan-qaadnay in lagu samaynayo dib u habeyn Maamulka Maaliyadda Waddanka, waana ku faraxsanahay meesha ay maanta wax marayaan, waxaana maanta hawl-galay dhammaan hay’adihii dowladda, isla markaana leh wada shaqayn buuxda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay n la Hir-geliyey nidaam lagu agoon karo dhaq-dhaqaaqa Maaliyadda Waddanka, isagoo yiri. ”Waxaa lagu tallaabsaday nidaam electronic ah oo aan waxba laga khaldi karin, Dhaqaaq Maaliyadeed oo kastana la oggaan karo sida uu u dhacay iyo cida samaysay. Waxaa meesha laga saaray lacagtii caddaanka ahayd ee la isticmaali jiray, Wasaaradaha Difaaca iyo maaliyadda oo is kaashanaya ayaa ku hawlan in ciidamada Somalia loo sameeyo nidaam ay musharaadkooda ku qaataan.”

Ugu dambeyn, Dhismaha Wasaaradda Maaliyadda XF Soomaaliya, ayaa ka kooban 86-qol Wuxuuna dayac-tirkeedu socday muddo hal sano ah. Wasaarada ayaa uga faa’iideysanaysa in Shaqaalaha ay helaan Xafiisyo ay ku shaqeeyaan, Waxaana Shacabka u Fududaynaysaa inay Adeegyadooda si sahlan ugu yimaadaan Wasaaradda Maaliyadda.