AF-SOOMAALI

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Liibiya oo dalka dib loogu celinayo


Waxaa soconaya dadaallo dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay dalka dib ugu soo celiso dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhibateysan dalka Liibiya sida uu sheegay danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub Cali Saciid Faqi.

Danjiraha ayaa warbaahinta u sheegay u sheegay in ay jiraan Soomaali badan oo ku xiran xabsiyadda dalkaasi.

Fiqi ayaa intaa ku daray in Soomaalida qaarkood aysan ogoleyn ay kusoo laabtaan gudaha Soomaaliya, islamarkaana ay doonayaan in ay halkaasi kasii baxaan marka la sii daayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayuu xusay in ay booqdeen xabsi ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo gaaraya 90, islamarkaana qaarkood ay diideen in ay ku soo laabtaan Soomaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ayaa waxaa xoogeystay dhibaatooyinka ay kala kulmayaan dhalinyaradda Soomaaliyeed dalka Liibiya.

Soomaali badan oo Tahriib ahaan ku tagay dalka Liibiya, kuwaa soo doonaayay in ay kasii aadaan dalalka Yurub ayaa sanooyin badan ku xiran xabsiyadda dalka Liibiya, qaarkood ayaa la kulmo jir dil iyo madax-furasho.