AF-SOOMAALI

DF Somalai oo Weydiisatay Mareykanka in uu ka bixiyo sharraxaad duqeyntii dulleedka Gaalkacyo


Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Maanta ka hadashay Duqeyntii ka dhacday dulleedka degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, taasoo uu maamulka Galmudug sheegay in ciidammo fara badan oo maamulkiisa ka tirsan lagu dilay.

Warbixin ay Shirkoodii Toddobaadlaha ahaa oo Golaha Wasiirrada ay ku yeesheen maanta Muqdisho, ayaa xukuumadda Washington kaga dalbadeen inay jawaab ka bixiso weerarkaas iyo sida at ula socodsiiyeen hay’adaha amniga Dowladda FS.

Diyaaradaha Dagaalka Mareykanka oo fuliyay – ayuu Afhayeenka Pentagon-ka, Jeff Davis wuxuu sheegay inay ku beegsadeen xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu xusay inay khatar ku ahaayeen ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa maamulka Puntland.

Afhayeenka u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa wuxuu sheegay inay rasaas aan badnayn kala kulmeen Kooxo Al-shabaab ka tirsan oo ku sugnaa Deegaanka la duqeeyay, ayna ka hortageen khatartooda.

“Golaha Wasiirrada Somalia, Waxay Walaac ka Muujinayaan ku lug Lahaanshaha Puntland ee weerarkaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka xukuumadda Somalia, iyadoo maamulada Galmudug iyo Puntland ee dariska ahna looga dalbaday inay xiisadda qaboojiyaan.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sheegay in Guddi Wasiiro loo saaray inay baaritaan ku sameeyaan weerarkaas iyo sidii uu u dhacay. Iyadoo wasiirrada Somalia at ka tacsiyeeyeen dadkii ku dhintay weerarkaas.

Ugu dambeyn, Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Weerarkaas lagu dilay Ciidammo ka tirsan kuweeda oo tiradoodu tahay 22, tiro inatas ka badnna at uga dhaawacmeen, inkastoo aysan Puntland weli ka hadlin weerakaas.