GLOBAL NEWS

Dekedda weyn ee Muqdisho oo la mid noqonaysa Dekedaha Caalamka ugu Casrisan


Dekedda Caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inay ka mid noqotay Dekedaha ugu casrisan Calaamka, iyadoo Sanadihii dambe ay Kordhayeen Maraakiibta Shixnadaha kala duwan Wada ee kusoo Xiranaya Dekedda.

Sidoo kale, Dekedda Muqdisho oo ah Dekedda ugu weyn Dekedaha Dalka ayaa Waxaa ka Howlgala Wiishas Casri ah oo Maraakiibta kusoo Xirta Dekedda ka soo dejiya Shixnadaha ay wadaan, sidoo kalena ku raraxa shixnadaha kale ee la dhoofinayo.

Inkastoo Dekedda Muqdisho ay Muddo Sannado ah ahayd mid aan lagu Shaqeynayn ayaa waxay hadda u muuqataa mid ay maraakiib fara badan oo dalal kala duwan oo caalamka ka tirsan ka imaanaya ay kusoo xirtaan, iyadoo Qalabka Dekedda ka howlgala ay fududeeyeen dejinta iyo iyo raridda shixnadaha.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Shirkadda laga leeyahay dalka Turkiga ee haatan gacanta ku haysa maamulka Dekedda Muqdisho ayaa sheegay in Dekeddani ay tahay midda ugu muhiimsan Somalia, sidoo kalena ay tahay mid ka mid ah dekedaha ugu waaweyn kuwa Bariga Afrika.

Xilliyadii ay dagaallada Sokeeye ka socdeen Somalia ayaa Waxaa Dekedda Muqdisho soo gaaray dhaawacyo, laakiinse xilli dambe ayaa la billaabay in dayactir lagu sameeyo, taasoo qayb weyn ka qaadatay in dekeddu ay howlahii caadiga ka billowdaan.

Bishii September ee Sannadkii hore 2014-kii ayay Dowladda Somalia Waxay Maamulka Dekedda Muqdisho ku Wareejisay shirkadda Al-Bayrak ee laga leeyahay Turkiga, iyadoo heshiiska lala galay shirkaddan uu dhigayo inay dib u casriyeyso Dekedda Muqdisho.

Casriyeynta Dekedda Muqdisho ayaa waxaa ku baxaysa 80-Milyan oo Doollarka, iyadoo dhaqaalaha kasoo xarooda dekedda Soomaaliya ay 55% la siin doono dowladda Somalia, halka 45% ay Shirkaddu Qaadanayso.

“Mashruuca Casriyeynta Dekedda Muqdisho Waxaa ku baxaysa 80-Milyan oo Doollarka Mareykanka ah; waxaana aamin-sannahay in lacagtaas ay Dekedda kasoo laaban doonto,” ayuu yiri Madaxa Shirkadda Al-Bayrak, Ahmed Salim.

Shirkadda ayaa sidoo kale qorsheynaysa inay dekedda ku Wareejiyo Kaamirooyinka lagula Socdo dhaqdhaqaaqyada dekedda si Amaankeeda loo adkeeyo, iyagoo howlo dib u dhis ah oo casri ah ay haatan ka socdaan dekedda Muqdisho.

Ugu dambeyn, Madaxa Shirkada Al-Bayrak ee dalka Turkigu laga leeyahay, Ahmed Salim ayaa xusay in Wajigii koowaad ee Dayactirka Dekedda Muqdisho lasoo gunaanaday, uuna hadda socdo Warjigii labaad ee lagu Dayactirayay Dekedda.

Si kasta ha ahaatee, Ahmed Salim ayaa Xusay in Sannadkii lasoo dhaafay ee 2014-ka intii ay ka Shaqeynayeen Dekedda ay soo Xareysayeen Dakhli gaaraya 2.7 Milyan oo doollarka Mareykanka, Sannadkan ay Rajeynayaan in dhaqaale intaas ka badan ay kasoo xareeyaan.