GLOBAL NEWS

DEG DEG – Kuxigeenka Niclos Key oo Kismaayo gaaray lana kulmay masuuliyiinta Jubbaland [Daawo Muuqaal]


Wafdigaan oo uu hoggaaminaayey kuxigeenka wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya Raisedon Zanega ayaa markii ay soo gaareen magaalada Kismaayo waxay xarunta madaxtooyada Jubbaland kula kulmeen masuuliyiinta maamulka Jubbaland.

Kulamada oo labo ahaa isla markaana ay saxaafadda dibad joog ka ahayd ayaa kan hore waxa uu dhexmaray xubnaha ka socday Qaramada midoobay iyo qaar kamid ah golaha wasiirada ee maamulka Jubbaland.

Kulanka labaad ayaa sidoo kale dhexmaray madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo masuuliyiin kale oo maamulka katirsan maamulka Jubbaland.

Markii ay soo gaba gaboobeen kulamada labada dhinac ayaa waxaa shir jaraa’id wada qabtay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo kuxigeenka wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya Raisedon Zanega.

Inkastoo aysan markii ugu horaysay oo wafdi ka socda Qaramada Midoobay usoo gaaro magaalada Kismaayo ayaa hadana wafdiga maanta waxay kusoo beegmeen xilli ay dhamaystiran yihiin hay’adaha dowliga ah ee maamulka Jubbaland oo muddon qabyo ahaa.