AF-SOOMAALI

Deegaannada Jubbaland oo Maanta si weyn loogu Dabaal-dagay Munaasabaada Ciidul Adhxa


Magaalooyinka kala duwan ee deegaanada maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa guud ahaanba maanta looga dabaaldegay munaasibadda ciidda barakeeysan ee Ciidul Adxa, ayadoo dadka Muslimiinta ah ee ku nool daafaha caalamka ay maanta u ahayd maalin farxadeed oo gaar ah.

Gobollada J/hoose, J/dhexe iyo Gedo ayaa maanta laga ciiday, waxaana shacabka ku dhaqan gobolladaasi ay isugu soo baxeen fagaareyaal kala duwan oo ay ku oogayeen salaadda ciidda.

Magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ee Jubaland ayaa kamid ahayd goobaha laga dareemayay u dabaaldegga ciidda, ayadoo salaadda lagu oogay fagaareyaal kala duwan oo ay isugu soo baxeen boqollaal dadweeyne ah.

Xarunta Madaxtooyada Jubaland ayaa kamid ahayd goobaha ay madaxda ku oogeen salaadda, waxaana halkaasi si wadajir ah ugu tukaday, wasiirro, xildhibaanno, odoyaal dhaqameed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Jubaland, ayadoo uu kamid ahaa madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam.

Salaadda kadib ayaa waxaa halkaasi khudbad dhinacyo badan taabaneeysa ka jeediyay madaxweeynaha Jubaland Mudane Axmed Max’ed Islaam, Isagoo hambalyada ciidda u diray guud ahaan umadda Soomaaliyeed.

Madaxweeynaha ayaa ka warbixiyay shirka madasha wadatashiga qaran ee ka soconay Muqdisho, isagoo rajo ka muujiyay shirkaasi, sheegayna in uu rajeeynayo in ay kasoo baxaan natiijooyin wax ku ool ah.