AF-SOOMAALI

Dayuuradihii Qaadka keeni jiray magaalada Muqdisho oo maalintii labaad ka degay Jowhar


Illaa afar dayuuradood oo Qaadka Kenya laga keeno ka soo dejin jiray garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad ka degay garoonka dayuuradaha magaalada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Arintan ayaa timid ka dib markii ganacsatada Qaadku sheegeen iney joojiyeen qaadkii ay kala soo degi jireen garoonka Aadan cadde sababo la xiriira Wasaarada Maaliyada Somalia oo ku soo rogtay canshuuro xad dhaaf ah.

Gaadiid fara badan ayaa buux-dhaafiyey garoonka dayuuradaha Jowhar kuwaasoo qaadka halkaas laga dejiyey safar dhulka ah ku soo gelinaya magaalada Muqdisho.

Ganacsatada Qaadka ayaa sheegay ineysan dib dambe Qaad uga dejin doonin garoonka Aadan cadde inta laga laabanayo canshuuraha dheeriga ah ee lagu soo dalacay.

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo ganacsatada Qaadka ee ka soo gadooday Muqdisho iyo cid kasta oo wax kala soo degaysa garoonka dayuuradaha magaalada Jowhar.