AF-SOOMAALI

Dayuurad milateri oo deeq loogu talo galay abaaraha ka soo dejisay garoonka Aadan Cadde


Dayuurad milateri oo siday raashiin gargaar ah ayaa maanta ka soo degatay garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Raashiinkan deeqda ah oo gaaraya 20 tan ayaa waxaay ka timid dowlada Jordan oo ka mid ah dowladaha Carabta ee xiriirka wanaagsan la leh dowlada Somalia.

Waxaa la socday dayuurada deeqdan keentay Muqdisho wafdi ka socday dowlada Jordan oo sheegay in kaalmadan ay qeyb ka tahay deeq ballaaran oo dowlada wadankaas ay ugu talo gashay dadka abaaruhu ku saameeyeen Somalia.

Masuuliyiinta ka socotay Jordan ayaa waxay intaa ku dareen in maalmaha soo socda ay deeqdan si isdaba joog ah u soo gaari doonto magaalada Muqdisho.

Guddiga gurmadka abaaraha Qaranka ayaa si buuxda loogu wareejiyey deeqdan si ay u gaarsiiyaan dadka tabaaleysan ee ku dhaqan degaanada ay abaaruhu ka jiraan.