GLOBAL NEWS

DANJIRE KAY: Somalia waxay Xilligaan ka soo Kabanaysaa Guul-darradii horay u soo Martay


Ergayga QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay oo ka jeedinayay khudbad shir looga hadlayay arrimaha Somalia oo ka dhacay xarunta guud ee QM ee New York ayaa sheegay in Somalia ay ka gudbayso guul-darrooyinkii horay u soo maray ayna u muuqato dal soo kabanaya dhibaatooyinkaas.

Danjire Kay wuxuu xusay in is-beddelka Somalia uu yahay mid si wanaagsan u socda, isla markaana dalka uu ka gudbayo sanado badan oo qalalaase dhanka amaanka iyo siyaasadda ah uu ka jiray labaatamayadii sano ee u dameeyay.

“Somalia waxay wajahaysaa dhibaatooyinka dal isku imaanaya, intii ay ka ahaan lahayd dal sii kala tagaya ama kala dhacaya,” hadalkiisa ku yiri ergayga QM ee Somalia, danjire Nicholas Kay.

Marka laga soo tago in Nicholas Kay uu iftiimiyey guulihii ay Soomaaliya sannadihii lasoo dhaafay ku tallaabsatay, ayuu haddana wuxuu xusay in sannadka soo socda ee 2016-ka uu noqon doono sannadkii go’aamin doona mustaqbalka Somalia.

“Doorashada Soomaaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka ee soo socda waa mid tijaabo u ah awoodda Soomaaliya uu u leeyahay inay si waddo horumarka,” ayuu mar kale yiri Danjire Kay oo ku baaqay in cod-bixintu ay noqoto mid xilligii loogu talo-galay ku dhacda, lagana qayb-geliyo dhinacyo ka badan kuwii 2012-kii ka qayb-galay.

Nicholas Kay oo wareysi siinayay VOA ayaa mar kale yiri. “Runtii ma jirto doorasho Qof iyo Cod ah oo Somalia ka dhacaysa sannadka 2016-ka, dowladda Somalia iyo caalamkuba horay ayay u sheegeen inaysan taasi suuro-gal noqonayn, balse haatan waxaa Soomaalida u socda wada-tashi ay ku go’aaminayaan nooca doorasho ee Somalia ka dhici doonta.”

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh ayaa bishii July u sheegay in dalka uusan awood u lahayn inuu qabto doorahso Qof iyo Cod ah 2016-ka, laakiin ay dhici doonto doorasho ka duwan taas oo dhinacyada oo dhan ay isku raacaan.

Waxaa kaloo la weydiiyay Kay weerarrada ay Al-shabaab Muqdisho ka geysato, wuxuuna sheegay inay Al-shabaab weli awood u leedahay inay geysato weerarro waxyeello geysta, laakiinse waxaa la la sameeyay howlgallo deegaanno badan looga qabsaday.

“Al-shabaab weli waxay leedahay awood ay ku geysato weerarro waxyeello geysan kara. Toddobaad ka hor ayay ahayd markii ay weerareen Hoteel Saxafi oo ku yaalla Muqdisho. Weerarrada noocan ah waxay dhacayeen sannadihii lasoo dhaafay, aad bayna u adag tahay in la joojinta falkan argagaxisada, haddana Al-shabaab waxaa laga saaray magaalooyin ay sannado maamulayeen” ayuu yiri danjire Kay.

Mar wax laga weydiiyay diyaarad 28-kii bishan Oktoobar, dulleedka Afgooye ku dhacday, taasoo la sheegay inay u kireynayd qandaraaslayaal AMISOM la shaqeeya, wuxuuna kaga jawaabay danjire Kay su’aashaas..

“Xaqiiqdii ma jirto diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo kusoo dhacday dulleedka Afgooye, waxaa jiray warar iska hor-imaanayay oo sheegaya inay dhacday diyaarad rakaab ah, annaga waxaan sameynay hawlgal, waxaanan kicinnay diyaarado Helicopter ah, mana la arg meel diyaaradi ku dhacday, sidoo kalena ma jirin cid sheegatay inay ka maqan tahay diyaarad.”

Ergayga QM ee Somalia ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay inaysan jirin wax maraakiib ah oo lagu afduubay xeebaha Somalia muddo saddex sano ah, isagoo xusay in taasi ay ku timid dadaallo badan oo ay bixiyeen waddamada caalamka ee ay maraakiibtu kaga sugan yihiin biyaha Somalia.

“Waxaan u maleynayaa in feejignaan dheeraad ah la sameeyay, waayo waxaa jira xaaladii ay ku sameysmeen kooxaha burcad-badeedda, sida uu horay u sheegay RW Somalia ee ah kallumeysiga sharci-darrada ah IWM,” ayuu yiri danjire Kay.

Dhanka kale, wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa ka hadlay diiwaanka guulaha Somalia ayaa tusaale u soo qaatay shaqada dowladda Soomaaliya ay gobollada dalka qaarkood maamul ay ku mideysan yihiin ugu dhisayso.

Ugu dabmeyn, danjire Nicholas Kay ayaa sheegay in Soomaaliya ay haatan si aad ah uga wanaagsan tahay sidii ay ahayd sannadihii lasoo dhaafay, ayna jiraan fursado badan oo ay dib ugu soo ceshanayo dowladnimadii ka burburtay.