AF-SOOMAALI

Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo mar safiir ka ahaa masar oo geeriyooday


Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay geerida Allaha U Naxariistee safiirkii hore dalka Masar u joogay Soomaaliya Danjire Cabdulqani Maxamed Waceys oo waabarigii saaka ku geeriyooday magaalada Kuwait ee caasimadda waddanka Kuwait .

Marxuumka ayaa labadii isbuuc ee tegay wuxuu ku xanuunsanaa dalkaasi sida lagu sheegay warsaxaafadeed wasaaradda ay sii daaysay goor dhow.

Safiirka geeriyooday ayaa waxa uu ahaa rug caddaa meelo badan kasoo shaqeeyay, xilal kala duwan oo dhinaca waxbarashada iyo siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ah soo qabtay.

Waxa uu ku dhashay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya 15-kii-May -1946-tii, waxa uuna dugsigii sare uga baxay dalka Masar, waxa uu sidoo kale shaadada koowaad ee heerka jaamacadeed ka qaatay isla dalkaas, isagoo cilmiga taaiikhda ka bartay Alexandria University.

wuxuu ka hor masar safiir kasoo noqday waddanka Liibiya, wuxuuna ahaa sida dadka yaqaanno ay tilmaameen nin leh karti iyo go’aan hoggaamineed, qaddiyadaha ka hadalka Soomaalinimadana si weyn loogu yaqaannay.

Wuxuu ahaa aabbe leh dhowr carruur ah iyo xaas.

Dhinaca kale madaxda sare ee Dowladda Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeyay geeridiisa , iyagoo Alle uga baryay in uu ka waraabiyo Jannadii fardowso.