AF-SOOMAALI

DANJIRE AFEY: Shirka Jowhar ee lagu dhisayo Maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe Gooni uma wadato IGAD


Ergayga IGAD ee Somalia, Danjire Maxamed Cabdi Afey ayaa ka hadlay hannaanka maamulka loogu dhisayo Gobollada Hiiraan & Shabeellada Dhexe, isagoo xusay inaysan jirin cid lagu qasbayo inay shirkaas ka qaybgasho.
Danjire Maxamed Afeey ayaa hadalka ku daray in muddo labo bilood ah ku jireen dhismaha maamulka labada gobol, kaddib markii uu hakad-galay, Wuxuuna dowladda FS ka codsaday inay fududeyso shirka lagu dhisayo maamulka labada gobol.
“Shirka Dhismaha maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Magaalada Jowhar lagu qabanayo ma aha mid ay IGAD wadato oo dan gooni ah ay ka leedahay, balse shacabka ku cool labada gobol ayaa wata iyaga ayayna dan ugu jirtaa, annaga ka IGAD ahaan waxaa gacan ka geysanaynaa sidii shirkaas loo fududeyn lahaa oo keli ah,” ayuu yiri Danjire Afeey oo la hadlayaya BBC-da.
Sidoo kale, Ergayga ayaa xusay in muddo saddex jeer ah uu u tagay Beledweyne sidii loo dhameyn lahaa tabashada ay qabaan odayaasha dhaqanka Reer Hiiraan ee uu hoggaaminayay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, isagoo xusay in uu Aaminsan yahay in wax kasta wadahadal lagu dhameyn karo.
“Odayaasha uu Ugaas Xasan hormuudka u yahay, waxay na-weydiisteen in Hiiraan labo gobol laga dhigo, Arrintaasna Dastuur ahaan wax IGAD ay shaqo leedahay ma aha, wax kasta oo Soomaali ku heshiin karto waa wadahadal, odayaashana waxaa ugu baaqnay inay wadahadalka kusoo biiraan,” ayuu mar kale yiri Afeey.
Ergayga IGAD ee Somalia ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka ee Reer Hiiraan in aysan caqabad ku noqon wada-hadalka labada shacab, wuxuuna Xusay in haddii ay diidaan aysan jirin cid qasbi karta.
Ugu dambeyn, Hadalka danjire Afey ayaa kusoo beegmaya iyadoo Shalay Baladweyne uu ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo dowladda Federaalka ah iyo Ururka IGAD, ayna sidoo kale odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay Afeey dusha uga tuureen eedeymo kala duwan.