AF-SOOMAALI

Daladda Shinaha (R.P.C) oo sameysatay markab xambaara dayuuradaha dagaalka (daawo Sawirro)


Shiinaha ayaa soo bandhigay Markab diyaaradaha xambaara oo markii ugu horeysay ay gacanteeda ku sameysatay.

arrintan ayaa xoojinaysa awoodda milatari iyadoo bartanka lagaga jiro xiisadda sii kacaysa ee gobolka ka taagan.

Markabkan ayaa noqonaya kii labaad ee dalku yeesho ee awooda in uu diyaarado xambaaro, iyadoo markabkam uu kii hore kaga duwan yahay iyadoo lagu sameeyey dalka Shiinaha gudahiisa.

Warbaahinta dawladdu waxay sheegtay in markabkan oon wali magac loo bixinin in laga qaaday meel dhul ah oo la galiyay biyaha dekedda Dalian, iyadoo wararkii hore ay sheegayeen in uusan hawlgali karin inta ka horaysa 2020ka.

Talaabadan waxay ku soo aadaysaa iyadoo maalmihii u dambeeyay ay sii kululaatay dareenka ka dhextaagan Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.