AF-SOOMAALI

Dagaal u dhexeeya Maamullada Gal-mudug iyo Puntland oo ka Qarxay Magaalada Gaalkacyo


Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Galmudug, ayaa mar kale maanta ka qarxay Maanta Koonfurta degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo Dagaalladaan ay kusoo Noq-noqonayeen labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Wararka ayaa sheegay, in dagaalkaani uu billowday kaddib markii ay labada dhinac shalay isaga han-jabeen Warbaahinta Gaalkacyo, kuwaas oo dhaliyay dhiillada colaadeed ee dib uga bilaabatay maanta magaalada.

Sidoo kale, Ilaa hadda lama garanayo khasaaraha dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay Dagaalladaan, Maadaama Dagaalku uu Goor-dhaw bilowday, isla markaana aysan jirin cid xaqiijin-karta inuu jiro khasaare iyo in kale.

Dhinaca kale, Waxaa jira heshiis hordhac ahaa oo ay gaareen maammullada ku hardamaya Gaalkacyo, iyadoo heshiiskan uu gar-wadeen ka ahaa RW Somalia Cumar C/rashiid Cali, inkastoo uusan weli la kala qaadan labada ciidan, madaxda maamulladana aysan wali is-hor-fariisan.

Ugu dambeyntii, Dagaalladaan sida Goos-gooska ah uga socda Gaalkacyo, ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 50,000 oo qof, sida ay dhawaan shaacisay Hay’adda QM u qaabilsan Qoxootiga ee UNHCR.