GLOBAL NEWS

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Maamullada Galmudug iyo Puntland oo ka socda Magaalada Gaalkacyo


Ugu yaraan shan ruux oo dhinacyada dagaalamay iyo shacab isugu jira ayaa ku geeriyooday toddoba kalena dhaawacyo kala duwan ayaa kasoo gaaray dagaal u dhexeeya ciidamada kala taabacsan maamullada Galmudug iyo Puntland oo saaka ka socda degmada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka laga helayo Gaalkacyo ayaa sheegaya in dagaalkan oo si xooggan uga socda gudaha magaalada uu billowday kaddib markii lagu muray waddo cusub oo la dhisayay, halkkaaso ay xabbadu ka billaabatay.

Rasaas aad u culus ayaa laga maqayaa xaafadaha Gaalkacayo iyadoo labada ciidan ay ku kala biirayaan ciidammo gurmad ah, iyadoo marba marka kasii dambeysa uu dagaalku sii xoogeysanayo.

Shacabkii ku noolaa xaafada Garsoor ee dhinaca waqooyi ee Gaalkacyo ayaa la sheegayaa inay u suuro-gashay qaarkood inay barakacaan, halka kuwo kalena ay weli ku sugan yihiin guryahooda oo ay gabbaad ka dhiganayaan.

Mas’uuliyiinta maamullada Galmudug iyo Puntland ayaan weli ka hadlin dagaalka saaka ka qarxay Gaalkacyo ee u dhexeeya ciidamadooda, iyadoo labada maamul ay u dhexeeyeen waayahan muran dhanka maamulka gobolka Mudug ah.