AF-SOOMAALI

Dagaal goor dhaw ka qarxay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne


Rasaas xoog leh ayaa goor dhaw laga maqlay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweye, kaddib markii ciidamada dowladda weerar ku qaadeen saldhig xaafadda ay ku lahaayeen maleeshiyaad ka tirsan maamul la baxay Westland.

Dagaalka ayaa bilaawday kaddib markii kooxaha maleeshiyada ah ka dhaga-adeygeen ay isaga baxaan saldhig ay halkaa ku lahaayeen, taasoo keentay in ay ciidamada dowladda federaalka weerar ku qaadaan kooxaha maleeshiyada ah.

Rasaas ayaa wali la maqlayaa waxaana muuqata in ciidamada dowladda iyo kooxaha maleeshiyada ku dagaalamayaa saldhiga gaar ahaan dhulkii Onadka ee wasaarrada gadiidka iyo duulista hawadda oo fariisin u aheyd kooxaha maleeshiyada ah.