AF-SOOMAALI

Dagaal dib uga qarxay galbeedka magaalada Gaalkacyo


Dagaal culus oo dhaxeeya ciidammada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in uu dib uga qarxay galbeedka magaalada Gaalkacyo sidda ay warbaahinta u sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dagaalka oo leysku adeegsanayo hub kala duwan ayaa ku fiday goob hor leh oo ka tirsan xaafadda ku galbeedka magaalada Gaalkacyo, waxaana meelaha qaar ku dhacaya madaafiic ay labada dhinac is weydaarsanayaan.

Gaar ahaan dagaalka xoogiisa ayaa xiligan waxaa uu ka soconayaa agagaarka xaafadda Garsoor oo dagaaaladii ugu danbeeyayba intooda badan ka dhacayeen.

Goob joogayaal aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in la maqlay rasaas iyo hub culus oo ay isku ridayaan dhinacyada dirirtu u dhaxeyso.

Ilaa iyo hadda dhab ahaa lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka waqtigan soconaya, inkastoo la filan karo mar walba khasaare naf iyo maalba leh, madaama madaafiic leys weydaarsanayo.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii labaad oo dhaxmaray labada maamul Puntland iyo Galmudug, tan iyo markii dhawaan ay hishiis ku kala saxiixdeen magaalada Abu Dhabi ee dalka isku taga imaaraadka Carabta.