GLOBAL NEWS

Dagaal dhimasho & dhaawac sababay oo dhexmaray Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Al-shabaab.


Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Jubbaland ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulkaas iyo Kooxda Al-shabaab ay shalay ku dagaallameen Deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubbada hoose, dagaalkaas oo sababay dhimashada Labo qof iyo dhaawaca Afar kale oo iskugu jira dhinacyada dagaallamay.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubbaland oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Ismaaciil ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalku uu ahaa mi ay qaadeen Ciidamada Maamulku ayna ku qaadeen dhul ay daggan yihiin dad reer guuraa ah, oo al-shabaabku ay la joogaan.

“Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo doonaya inay qabtaan dhammaan meelaha ay ku sugan yihiin nabad diidka ayaa duleedka Qooqaani weeraray, nimanka guul baan ka gaarnay haatanna waan sii soconnaa” ayuu yiri Mr Ismaaciil.

Si kastaba ha ahaatee Wararkii ugu dambeeyay ee saaka laga helayo deegaanka Qooqaani ee dagaalku dhacay ayaa ku soo warramaya in xaaladdu ay tahay mid deggan islamarkaasina ay deegaanka ku sugan yihiin, Ciidamada Jubbaland oo garabsanaya kuwa midowga africa ee AMISOM.