GLOBAL NEWS

Dagaal Culus oo Goor-dhaw ka Qarxay Xaafadda Howl-wadaag ee Magaalada Beledweyne, Hiiraan


Dagaal Culus oo u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed islamarkaana leysku Adeegsanayo hub kala duwan ayaa goor dhaw ka Qarxay Xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Ilo wareedyo kala duwan oo aan la hadalnay, ayaa sheegay in Dagaalkan uu qarxay kaddib markii gaari nooca yar oo ay la socdeen maleeshiyaad rasaas ku furay dad ku sugnaa suuqa Toora -Boora ee xaafadda Howl-wadaag, halka warar kale oo soo baxayana sheegayaan in dagaalku ka bilaawday dilka labo ruux oo ka soo jeedda mid ka mid ah beelleeha dagaallamaya.

Sidoo kale, Illaa hadda rasmi ahaan looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan madaama goor-dhaw uun uu billowday.

Beelaha Gaaljecel iyo Jajeelle oo ay kasoo kala jeedaan Maleeshiyaadka dirirta u dhaxeyso ayaa marar badan oo hore sidan oo kale ugu Diriray Xaafadda Hawl-wadaag ee Magaalada Baladweyne iyo Deegaannada miyiga ah oo ay wada-degaan labada beellood oo inta badan dagaalkoodu salka ku hayo Aano Qabiil iyo dad la kala dilay.