GLOBAL NEWS

Dagaal Ciidanka dowladda Somalia iyo Xoogagga Al-shabaab Maanta ku Dhexmaray Gobolka Gedo


Dagaal dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay deegaanka Masalle-Adduun oo hoos-taga degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kaasoo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ay ka dhasheen.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka Somalia ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaas ay ku dileen lix xoogagga Al-shabaab ka tirsan, ayna kaga dhaawaceen tiro kale.

Guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buule Maxamed (Canjeex) ayaa xusay in dagaalkan ay qaadeen ciidamada dowladdu Somalia kuwaasoo uu sheegay in ay xoogaga Al-shabaab kala soo wareegeen xoolo ay dadka deegaankaas ku nool ka ururiyeen.

Sidoo kale, Axmed Canjeex ayaa sheegay in dagaalkaas ay uga dhinteen laba askari oo mid ka mid ah uu ahaa saraalkii hoggaamiyay ciidamada weerarka qaaday, hal askari oo kalena uu kaga dhaawacmay.

“Xoolihii aan kasoo furannay Al-shabaab waxaan dib ugu celinaynaa shacabkii laga soo ururiyay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle Canjeex oo la hadlayay warbaahinta gudaha iyo dibadda.

Ugu dambeyn, Xarakada Al-shabaab ayaan weli ka hadlin dagaalkaan ka dhacay gobolka Gedo ee Koonfurta Somalia, iyadoo dagaalkan la sheegay inuu ahaa mid aad u xooggan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.