GLOBAL NEWS

Dagaal Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda ku Dhex-maray G. Shabeelada Dhexe


Ugu yaraan laba Qof ayaa ku dhintay, Siddeed kalena way ku dhaawacmeen Dagaal maanta ku Dhex-maray ciidamada Somalia iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Xoogagga Al-shabaab deegaanka Miir-Taqwo ka Tirsan Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Dagaalka ayaa qarxay kaddib Weerar ay Ciidamada DF Somalia ku Qaadeen Deegaankaas oo gacanta ugu jiray Al-shabaab, iyadoo Wararka laga helay deegaankaas ay sheegaan inay Xaaladdu haatan deggen tahay.

Col. Cali C/salaan oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda Somalia ee dagaalkaas oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in weerarku uu ahaa mid lagu beegsanayay saraakiil Al-shabaab ka tirsan oo deegaankaas ku sugan.

“Weerarka waxaa qaaday Ciidamada DF Somalia, Waxaana la beegsanayay laba sarkaal oo ka tirsan Al-shabaab oo Miir-taqwo ku sugnaa, mid ka mid ahna waa la dilay Midna waa la dhaawacay,” ayuu hadalkiisa ku yiri Col. Cali C/salaan.

Sidoo kale, Sarkaalka ayaa intaas ku daray in hawl-galkaasay ku dileen Shan ka mid ah Al-shabaab oo uu ku jiray Amiirka la dilay, ayna Siddeed kale Dhaawacyo u geysteen, kuwaas oo uu sheegay inay deegaanka laga qaaday.

“Qorshaheennu ma ahayn inaan deegaanka Qabsanno, laakiin wuxuu ahaa inaan beegsanno Saraakiishaan, Waana ku Guuleysatay ujeedkeennaas,” ayuu Col. Cali mar kale yiri, isagoo aan sheegin cidda haatan deegaankaas gacanta ku haysa.

Dhanka kale, Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay dagaalkan ayaa sheegtay in ciidamadii Somalia iyo kuwii AMISOM ee weerarka ku qaaday ay iska-caabiyeen, deegaankana ay ku sugan yihiin weli xooaggooda.

Ugu dambeyn, Wararka laga helayo gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in dagaalkii maanta ka dhacay gobolkaas ay qayb ka ahaayeen Ciidamada Midowga Afrika ka Socda ee AMISOM, dagaalkuna uu muddo socday.