AF-SOOMAALI

Daawo sawiradii ugu danbeeyay bur burkii ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho


Shacabka reer Muqdisho ayaa u muuqda kuwo wali la sii dhakafaarsan qaraxyadii is xig xigay ee maanta ka dhacay wadada Maka Al-Mukamara, gaar ahaan weerarkii ismidaaminta ah ee lagu qaaday hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan oo ahaa kuwo loo adeegsaday gadiid walxaha qarxa lagu soo raray sidoo kalana ay bar bar socdeen weerar toos ah oo ay ku qaadeen hoteelka dabley ka koobneyd afar dhalinyaro ah ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen dad ka badan 20 ruux, sidoo kalanaa ku dhawaad 50 ruux ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Dadka dhintay ayaa intooda badan ahaa dad shacab ah oo qaarkood goobo ganacsi ku lahaa agagaarka hoteelka la weeraray iyo nabadoonno caan ah oo ay ka mid ahaayeen Malaaq Cabdiarshid Malaaq Cabdislaan iyo Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Keerow..

Halka sidoo kale ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen Malaaq Sharif Muxudiin Sh Adan Malaaq Xasan Buulle Xuseen.

Waxaa sidoo kale dadkii maanta qaraxyada ku dhaawacmay ka mid ahaa kooxo wariyayaal ah oo u badnaa sawir qaadayaal goobta gaaray markii uu dhacay qaraxii hore.

Shaqaalaha isbitaalka Madiina ayaa sheegay in la soo gaarsiiyay tiro ka badan 20 ruux oo dhaawac ah iyaga oo intaa ku daray in sidoo kale isbitaalka la dhigay meydadka ilaa 7 ruux oo rayid ah.

Ugu danbeyntii, madaxda ugu sareysa dowlada federaalka Soomaaliya ayaa wada jir u cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo ahaa kuwii uu cuslaa sanadkana 2017da.