GLOBAL NEWS

Shirkad Shiinees ah oo Qiimeyn ku sameesay dib u dhis lagu sameenayo Dekada Hobyo


Shirkad laga leeyahay Dalka Shiinaha ayaa qiimeyn ku sameesay dib u dhis la doonayo in lagu sameeyo Dekada Hobyo ee kutaala Gobolka Mudug , waxaana Qorshaha dib loogu dhisayo Dekada Hobyo gacan ka geesanaya Maamulka Galmudug.

Quburo ka socotay shirkad dhismaha ka shaqeeya oo fadhigoodu yahay dalka Shiinaha ayaa booqasho ku tagay Deegaano katirsan Maamulka Galmudug, Qubaradan ayaa sidoo kale booqday qiimeyna ku sameeyay Dekada Hobyo oo a mid Qadiimi ah.

Dekada Hobyo oo ah mid qadiimi ah ayaa shaqeyn sanadihii lasoo dhaafay , waxaana Maamulka Galmudug hada wadaan qorshe la doonayo in dekadaasi qaab casri ah loogu dhiso si ay uga faa’iideestaan bulshada ku nool Deegaanada Galmudug.

Qubarada Shiineeska ah ee tagay Dekada Hobyo ayaa qiimeynta iyo waxyaabaha ay kala soo kulmeen Booqashadii ay ku tageen Dekada Hobyo uga warbixiyay masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug iyo xubno kale.

Khuwan Ju oo madax u ah shirkadda sahanka samaynaysay ayaa sheegay in macluumaadka ay soo ogaadeen uu muujinayo kalsooni lagu howlgali karo, waxa uuna tilmaamay in Dekada ay u baahantahay dib u dhis balaaran iyo casriyen.

Shirkadan Shiineeska Qubarada ka socotay ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in dib u dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo Dekada Hobyo, waxaana la filayaa in Qubaradan xogta ay ka ogaadeen Dekada Hobyo ay la wadaagaan Madaxda kale Shirkada Shiineeha laga leeyahay ee qiimeynta sameesay.