GLOBAL NEWS

Daawo Sawirada” Kulankii u dhaxeeyay R/Wasaaraha Somalia iyo Odayaasha Xawaadle oo fashil kusoo dhamaaday


Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan maanta magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ku dhax maray Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Odayaasha Dhaqanka Beesha Xawaadle.

Kulanka ayaa ahaa mid xasaasi ah oo looga arinsanayay sidii Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Beesha Xawaadle ay uga qeyb gali lahaayeen shirka gogoshiisa taalo Magaalada Jowhar ee maamulka loogu dhisayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in kulanka la isku mari waayay uuna kusoo dhamaaday fashil, Odayaasha Beesha Xawaade uu ugu hreeyo Ugaaska Beeshaasi ayaa ka biyo diiday in ay ku laabtaan Jowhar kana qeyb galaan Shirka maamulka lagu dhisayo.

Goor sii horeesay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo warbaaginta la hadlay kulanka kadib ayaa sheegay in kulanka ay la qataeen Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan uu guul kusoo dhamaaday ayna aqbaleyn ka qeyb galka Shirka Jowhar.

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaalif oo isna Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkii ay la qaateen Ra’isul Wasaaraha uusan kasoo bixin wax natiijo ah uuna kusoo dhamaaday fashil, waxa uuna tilmaamay in aanan loo sheegin wax ay ku qancaan uguna qeyb galanaan Shirka Jowhar.

Ugaaska ayaa sheegay in ay waftiga dowladda hor u dhigeen labo shardi oo kala ah in gogosha shirka Jowhar lagu soo celiyo magaalada Beledweyne, islamarkaana dib u heshiisiin la sameeyo, balse aan waxba laga qabin shuruudahaasi.

Waxa uu tilmaamay Ugaaska in Gobolka Hiiraan beelaha wada dega in ay dagaalameen dhibaato xoogan ay dhaxdooda martay loona baahanyahay in kahor shirka loo qabto shir Dib u heshiisiin ah si ay isku cafiyaan lana siiyo waqti ku filan.

Xukuumada Soomaaliya ayaa waqti badan ku bixisay sidii beelaha dega Gobolka Hiiraan loogu qancin lahaa in ay ka qeyb galaan shirka maamulka loogu sameenayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe , waxaana wali muuqata in Dowlada ay ku guul dareesatay hirgalinta maamulka loo sameenayo labada Gobol culees badana uu ka heesto qaninta Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan.