AF-SOOMAALI

Daawo Sawirada: Kala Diristii Rugta Ganacsiga Soomaaliya oo si weyn loo taageeray


Waxaa maanta Hotelka Ramaada ee magaalada Muqdisho lagu qabtay Munaasabad aad u balaaran oo lagu taageerayay kala diristii Wasaarada Ganacsiga ku kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya .

Munaasabada lagu taageerayay kala dirista Rugta ganacsiga waxaa kasoo qeyb galay boqolaal kamid ah ganacsatada ugu waa weyn Soomaaliya, Siyaasiyiin, Waxgarad ,Haween ,Dhalinyaro iyo Marti sharaf kala duwan.

Ganacsata iyo dadkii kala duwanaa ee ka hadlay Munaasabada ayaa si weyn u taageeray una soo dhaweeyay in Wasaarada Ganacsiga kala dirto Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo la tilmaamay in ay xoog ku heesteen dhoor nin oo shuraako ahaa.

Waxa ayna ugu baaqeen Ganacsaada Soomaaliyeed Madaxweynaha iyo R/Wasaaraha in ay taageeraan go’aanka Wasaarada Ganacsiga ku kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Doorashada la filayo in dhawaan ka dhacdo magaalada Muqdisho.

Ganacsaada Soomaaliyeed ayaa inooda badan aad ugu riyaaqay go’aanka kasoo baxay Wasaarada Ganacsiga Xukuumada Soomaaliya oo gabi ahaan lagu baabi’iyay laguna kala diray rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa dhawaan la filayaa in lagu doorto hogaanka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo tan Gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in ganacsatada Soomaaliyeed ay doortaan hogaan cusub ay ku qanacsan yihiin.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeed ay Soo saareen Ganacsatada Soomaaliyeed

KU. Saxaafadda Madaxa Bannaan
OG. Cidkasta oo ay Khusayso
UJ. War Saxaafadeed

Ganacsatada halkaan joogta maanta waxay caddaynayaan qodobbada hoos ku qoran.

1) War-saxaafadeed kaani wax siyaasad ah lug kuma laha, sidoo kale Jacayl ama nacayb qof ama koox shaqo kuma lahan.

2) Wax shaqo ama dan ah oo ay ganacsiga magaaladaan u hayeen nimankii ay shalay kala dirtay Wasaaradda Ganacsigu majirin haba yaraatee.

3) Sax ma’ahayn sheegashadooda ahayd in loo dootay Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed.

4) Waxaa xusid mudan in dib loo akhriyo warqaddii uu qoray Wasiirkii Ganacsiga ee taariikh 09/03/2017. Halkaas waxaa ku cad in aysan jirin cid wakiil ka ahayd ganacsatada Gobolka Banaadir.

5) Xaq ma ahayn mana jirto sabab ay Wasaaradda Maaliyaddu u siiso lacag canshuur ah koox ganacsato ah. Canshuurtaas oo laga aruuriyey ganacsato masaakiin ah lagana yaabo in ay ku khasaareen badeecaddii canshuurta ay ka bixiyeen.

6) Waxaan soo dhoweynaynaa doorasho xalaal ah iyadoo la tixgelinaayo qodobbada soo socda:
a. Aqoon cilmi ah, iyo waayo aragnimo ka turjumeysa duruufaha dhaqaale iyo ganacsi ee waddanka.
b. Isla markaasna haysta kalsoonida Ganacsatada Soomaaliyeed.

7) Waxaan soo jeedineynaa in ganacsatadu taageerto go’aankii Wasaaradda Ganacsiga taariikh 26/08/2017, isla markaasna lagu dhisayo Rug Ganacsi oo la wada leeyahay raallina la iskaga yahay.

Mahasanidin