AF-SOOMAALI

C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey oo noqdey guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka


Doorashadan oo aheyd mid aad u adag ayaa ugu danbeyntii waxaa ku guuleystay guddoomiye ku-xigeenka koowaad C/wali Sheekh Ibraahim Muudeey, halka ku-xigeenka labaad loo doortay Mahad C/wali Cawad oo horay u soo noqday guddoomiye ku-xigeenkii labaaad baarlamaankii 9 aad ee kan ka horeeyay, taasoo macnaheedu yahay in mar kale uu dib ugu guuleystay xilkii uu horay u hayay.

C/wali Sheekh Muudeey ayaa wareegii labaad ee doorashada ka adkaaday xildhibaan Faarax Sheekh C/qaadir, halka Mahad C/wali Cawad uu ka adkaaday musaharixii la tartamayay ee C/qaadir Sheekh Baqdaadi.

Doorashada maanta ka dhacday xarunta gollaha shacabka oo aheyd mid aad u xiiso badan ayaa lagu soo dhameystiray guddoonka baarlamaanka wixii hadda ka danbeeyana la guda-gali doono qaban-qaabada doorashada madaxweynaha.