AF-SOOMAALI

Cumar C/rashiid : Soomaaliya ma’aha in ay mowqif dhaxdhaxaadnimo ah ka qaadato khilaafka Khaliijka


Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharm’arke islamarkaana ah xubin ka tirsan Aqalka sare ayaa ka soo horjeestay mowqifka dowladda Soomaaliya ay ka qaadatay khilaafka ka dhax-taagan wadamada Carabta.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in in maslaxadda Soomaaliya aysan marnaba ku jirin mawqifka dhexdheaaxdnimada ah ee dawladda Soomaaliya ay ka qaatay xiisadda carabta.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka laabato mowqifka ay qaadatay, maadama ayuu yiri maslaxada Soomaaliya ku jirto in lala safto xulufada uu Sacuudiga horkacayo oo uu sheegay in ay mar walba u soo gurmadaan umadda Soomaaliyeed.

‘’Aniga waxaan u arkaa tallaabada ay qaadatay dowladda Soomaaliya ee dhaxdhaxaadnimada ah in aysan umada wax maslaxad ah ugu jirin, waayo waxa meesha is haya waa Afar dowladood oo waaweyn iyo hal dowlad oo yar, ‘’ ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Laga soo bilaabo sanadkii 1960 ilaa laga soo gaaro ayuu yiri waqtiga aynu maanta joogno Soomaaliya waxaa ay xiriir dhaw la laheyd sida uu hadalka u dhigay saddexda dowladood ee kala ah Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar, sidaa daraadeed ayuu yiri loo baahnaa in dowladda Soomaaliya ku garab istaagto rabitaakooda.

Dowladda Qatar ayuu ku eedeeyay in aysan marnaba sida uu hadalka u dhigay waxba tarin umadda Soomaliyeed marka laga reebo ayuu yiri shaqsiyaad iyo xarrakooyin ay gacan qabatay.

‘’ Runtii meesha ay maanta dowladda Soomaaliya istaagtay waxaa loo arkaa in ay la safatay dowladda Qatar, taasina waxaa ay nagu tahay dhib, Annaga waxaa u baahannahay xiligan dowlado gacan qabta oo maalgaliya dowladda Soomaaliya, waxaan marka ku talinayaa in go’aanka ay qaadatay dowladda dib uga fiirsado ayuu yiri’’ Cumar C/rashiid.

Mar wax laga weydiiyay haddii Soomaaliya xiriirka u jarto dowladda Qatar sida uu noqonayo xiriirka wanaagsan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga oo hadda la safan dowladda Qatar waxaa uu ku jawaabay Cumar Rashiid’’ Waxa hadda meesha is haya ma’aha Turkiga iyo dowladdaha kale ee Carabta, waa Qatar iyo wadamada kale ee Carabta marka annaga in aan doodan soo dhax galino Turkiga ma’aha, marka waan in aan wax ku miisaanno mustawaha ay kala joogaan dowladdaha is haya’’ ayu yiri ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid.

Cumar C/rashiid oo wareysigan siiyay Idaacada VOA -da ayaa sheegay in ka hor inta aan go’aankan la qaadan loo baahnaa in tallo badan la galiyo, isaga oo ka gaabsaday in uu ka jawaabo sababta dowladda Soomaaliya ku xambaartay in ay qaadato go’aanka dhaxdhaxaadnimada ah.