GLOBAL NEWS

C/RAXMAAN CIRRO: Go’aanka Goosashada Somaliland waa mid Shacbi cid ka laaban kartana ma jirto


Guddoomiyaha golaha baarlamaanka Somaliland, isla markaana ah guddoomiyaha xibiga mucaaradka ah ee WADANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi [Cirro] ayaa isagoo ku sugan magaalada London wareysi siiyay VOA-da kaga dhadlay, doorashada ka dhacaysa Somaliland, sida uu arko inay Somalia la midoobaan iyo wadahadaladii Somalia iyo Somaliland.

C/raxmaan C/raxmaan ayaa sheegay inay kulammo ay la qaateen mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Britain ayna dhawaan kulammo kale la yeelan doonaan, isagoo xusay in booqashadiisa London ay la xiriirto sidii ay aragtida xisbigooda u soo bandhigi lahaayeen.

Mudane Cirro ayaa wuxuu shacabka Somaliland ugu baaqay inay diiwaan-gelinta iyo doorashada ka qayb-galaan; isagoo guddiga doorashooyinkana ugu baaqay inay dul-qaataan haddii ay muddadu ku dheeraato.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo la weydiiyay su’aal ahayd inuu la qabo madaxweynaha Somaliland, hadalkiisii ahaa in Somalia ay ka kala kulmaan fara-gelinta oo xitaa amniga ammaanka Somaliland khatar ku ah. Wuxuuna ku jawaabay.

“Horta Puntland waxay ka tirsan tahay Somalia, horayna way noosoo martay in fara-gelin ay ku sameyso doorashada Somaliland. Marka waxaan ka codsanayaa inay fara-gelinta naga daayaan maadaama aanu nahay dad walaalo ah oo daris ah.

Dhanka kale, mar la weydiiyay Cirro wadahadallada Somalia iyo Somailland ayuu ku jawaabay. “Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland waxaan qabaa inay sii socdaan, balse waxaan ku talinayaa in wax laga bedelo qaabka ay u socdaan.”

Ugu dambeyn, waxaa la weydiiyay C/raxmaan Cirro in haddii aqoonsi aanay weli helin inay habboon tahay inay shaqeeyaan midnimada Somaliland, ayuu wuxuu ku jawaabay.

“Somaliland muddo 20-sano ah ayay aqoonsi raadinaysay, balse waxaa jira dalal badan oo muddo 70-sano ku dhow ay raadinayeen, marka waxaan qabaa inay aad u yar-tahay muddada aan ictiraafka raadinayno; go’aanka goosashaduna waa go’aan shacabi cid ka laaban kartana ma jirto