AF-SOOMAALI

Cismaan Cilmi Boqorre oo loo doortay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee barlamaanka cusub


Waxaa goor dhaw la soo gabagabeeyay dhaarta xildhibaannada labada aqal ee baarlamaanka cusub, waxaana goor dhaw xildhibaannada ay iska dhax doorteen guddoon ku-meel-gaar ah.

Gollaha shacabka ayaa gudoomiye ku –meel-gaar ah waxaa loo doortay Cismaan Cilmi Boqorro oo ka mid ahaa xildhibaannadii gobollada W/qooyi ee lagu doortay magaalada Muqdisho oo la sheegay in uu yahay qofka ugu da’da weyn xildhbaannada aqalka hoose, halka guddoomiyaha ku-meel-gaarka ah xubnaha aqalka sare loo doortay Max’ed Xusseen Raage oo ka mid ah xildhibaannada laga soo doortay maamulka Hirshabeelle.

Prof Max’ed Cismaan Jawaari guddoomiyihii hore ee baarlamaanka aya halkaa kaga dhawaaqay in wixii xiligan ka danbeeyay labada guddoomiye ku-meel-gaar ee la doortay shir guddoomin doonaan baarlamaanka labada aqal inta laga soo dooranayo guddoon rasmi ah.

Jawaari ayaa ka dalbaday xildhibannada in laga cafiyo haddii ay jireen wax qaladaad ah oo ka dhacay mudadii uu soo hayay xilka guddoonka baarlamaanka

Wali waxaa socta khudbadihii munaasabada, hadba wixii warar ah ee ka soo kordha iyo SAWARIDA munaasabada waan idin so gudbin doonaa