GLOBAL NEWS

: Ciidanka AMISOM Somalia kama baxayaan ilaa hawshood ay dhameystiraan


Ergayga Midowga Afrika ee Somalia, ahna Madaxa Hawl-galka AMISOM, Danjire Fransisco Madeira, ayaa shaaciyay in ciidamada AMISOM ay sii joogi doonaan Soomaaliya illaa ay hawsha loo igmaday ka dhameystirayaan.

Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa la billabaay 19-kii Jannaayo, 2007-dii, waxaana ciidankan oo tiradoodu ka badan tahay 22,000 oo Askari ay ka socdaan Waddamo Afrikaan ah, iyadoo hawl-galkan oo ay taageero QM uu socdo muddo sagaal sannadood ah.

Danjire Madeira oo wareysi ku siiyay Muqisho wargeyska The Star oo Nairobi kasoo baxa, ayaa waxaa la weydiiyay su’aal ahayd –Ma xiriir Wanaagsan ayaa ka Dhexeeya Ciidamada AMISOM iyo Booliiska Soomaaliya, Wuxuuna ku Jawaabay.

”Haa… Shalay waxaan la joogay ciidamada qaybta afaraad ee AMISOM, waxaana ku soo arkay Arrin aad ii qancisay. Ciidanka waxaa u dhexeeya xiriir Wanaagsan, taasna waa mid aad u muhiim noogu ah. Inkastoo meelaha qaar ay caqabado dhanka xog-is-dhaafsiga ah ay kala kulmaan, taasna waxaa sabab u ah luuqadda.”

Mar la weydiiyay guulaha ay AMISOM gaartay sagaalkii sano ee ay Soomaaliya ka Hawl-galayeen. Wuxuuna kaga Jawaabay inay badan yihiin, isla markaana ay Dhul ballaaran ka saareen Al-shabaab. Inkastoo uu sheegay inay jiraan caqabado ay kala kulmeen hawl-galka AMISOM, balse guulo ay gaareen.

Su’aal kale oo la wedyiiyay, Danjire Madeira ayaa ahayd, Marka Soomaaliya la eego Xag-jirnimadu waa dhibaato weyn, marka waa maxay qorshaha AMISOM ee arrintan ku aadan? wuxuuna ku jawaabay. “Waxaan bulshada Soomaaliyeed ka doonaynaa in Barnaamijyada ka hor-tagga xajirnimada ay nagala shaqeeyaan. Sidoo kalena waxaan doonaynaa cid walba oo khibrad u leh inay nagala shaqeyso oo ay naga caawiyaan. “

Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, ayaa wuxuu hadalkisa ku daray – in caalamku uu sii wado taageerada AMISOM, waayo waa la ogsoon yahay inuusan Somalia ka jirin ammaan. Laakiinse inagu mar walba waxaan ku dadaalaynaa inaan wax ka qabano marin-habaabinta intii aan awoodno. Dhallinyarada Soomaaliyeedna aan u fidino taageero ah sidii ay ku heli lahaayeen cunno, guryo iyo waxbarasho, si looga hortago inay ku biiraan Al-shabaab kuwa la midka ah.

Ergayga ayaa waxaa kaloo la weydiiyay; Ma suuro-gal baa inaad Wadahadal la furtaan Al-shabaab? Wuxuuna su’aashaas kaga jawaabay. “Waa maxay wadahadallada aan la furayno Al-shabaab? Halkeen kula hadlaynaa Al-shabaab? Waayo waxay dilaan Shacab aan waxba Galabsan oo ay ku jiraan Carruur iyo Haween, Ma Garanayaan sida loo ilaaliyo Aadanaha, mana xushmeeyaan nolosha, Sidaas awgeed xaq uma lahan in lala xaajoodo. Imisa qof bay dileen, marka wadahadal wax uu ka bedeli karo ma jirto.”

Danjire Madeira waxaa la weydiiyay, Goomaad u maleynaysaa in AMISOM ay ka taqalusi karto Al-shabaab? Isagoo kaga jawaabay. “Weligaa ma maqashay dagaal socday 100-sano? Miyuu dhammaaday? Wuu dhammaanayaa. Haddaba dagaalka aan ku jirno sagaal Sano oo keliya ayuu socdaa. Ma garan karo xilliga lasoo Af-jarayo, balse waxaan idiin Xaqiijinayaa in la cirib-tiri doono. Innagu ma joojin doonno Hawl-galka aan doonayno inaan kaga Taqa-lusno.”

Waxaa kaloo la weydiiyay; Bisha September ee Sannadkan Somalia waxaa ka dhici doonta doorasho, marka sidee AMISOM ugu diyaar-garowday inay xaqiijiso Amniga doorashada? Wuxuuna ku jawaabay. “Aad ayaan ugu Faraxsan-nahay inay Hoggaamiyeyaasha Somalia ku heshiiyeen qaabka ay doorashadu u dhacayso. Tallaabadaasoo ah mid horay loo qaaday. Waana mid dhabbaha u xaaraysa Xasilloonida Soomaaliya. AMISOM ahaanna waxaa naga go’an inaan doorkeenna nabadeed halkaan ka qaadanno.”

Ergayga waxaa kaloo la weydiiyay; Rajadiisa in xilliga hawlgalka loo kordhiyo, maadaama uu ku eg-yahay Waqtiga la siiyay dhammaadka Sannadkaan lagu jiro? isagoo ku Jawaabay. “Muddada Hawl-galka AMISOM Waxaa mar walba loo kordhiyaan si joogto ah, Waxaana qiimeyn ku sameeya in hawl-galkaan uu sii soconayo iyo in lasoo Gaba-gabeynayo Golaha Amaanka iyo Nabadda Midowga Afrika. Balse in Hawl-galka la soo Guaanado waa mid ka imaanaysa Xukuumadda federaalka Somalia ka imaanaysa. Run ahaantii waanu doonaynaa inaan maantaba ka baxno Somalia; Balse ma dhacayso taaso, waayo weli waxaa loo baahan yahay inaan dhameystirno hawshii aan Somalia u nimid.”

Ugu dambeyntii, Danjire Madeira ayaa la weydiiyay; Waa maxay Aragtidaada? isagoo yiri. “Haddii aan doonayno inaan soo af-jarno Argagaxisada Somalia iyo Guud ahaanba Afrika, Waa inaan sii wadnaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab. Dagaalkanna ma ahan mid gooni ah, laakiin wuxuu qayb ka yahay dagaallada ka socda Dunida oo dhan, sida; Liibiya, Maali, Nayjeeriya, Yemen, Suuriya, Ciraaq, Afgaanistaan iyo kuwo kale.

Argagaxisadu waa khatar caalami ah marka waa in caalamku ay iska-kaashadaan sidii loola dagaallami lahaa khatartaas, Wadamada ay ka jiraanna gacan lagu siiyo sidii ay isaga cirib-tiri lahaayeen.