AF-SOOMAALI

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Soomaaliya uga soo talaabay xadka gobolka Gedo


Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gadiidka dagaalka ka soo gudbeen xudduuda uu gobolka la wadaago Itoobiya.

Ciidamadan ayaa gaaraya illaa Kun Askari, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inay wataan hub culus.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka qeyb qaadanayaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee la doonayo in looga saaro deegaanada ay maamulaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya in gacan lagu siiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha Gobolka Gedo ayaa ka gaabsaday inay faahfaahin ka bixiyaan ciidamadan iyo ujeedadooda, hasse ahaatee waxaa ay ku gaabsadeen in ciidamo Itoobiya ay horey u joogeen gobolka, isla markaana uu socdo abaabulka duulaan xooggan oo ka dhan ah Al-Shabaab.