AF-SOOMAALI

Ciidamo gudaha u galay Guriga Senatar Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid


Warar goor dhaw na soo gaaray ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya gudaha u galleen Guriga Senatar Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid oo ah guddoomiyaha Gudiga dib-u-eegista Dastuurka ee labada Aqal.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Nabad-sugida oo wajiyada u duubnaayeen gudaha u galleen Guriga Senetar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku yaala beerta Jaadka ee Degmada Hodan.

Ma jirin wax iska horimaad ah oo goobta ka dhacay ,waxaana la sheegay in si nabad-galyo ah ciidamada gudaha u galleen Guriga Senater –ka.

Howlgalkan ayaa ku soo aadaya xili dhawaan ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya ay weerareen guri kuyaala Siyaasiga Cabraxmaan C/shakuur Warsame, waxaana howlgalkaasi lagu xiray Siyaasiga .

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Laamaha Amniga oo la xiriira baaritaanka la sheegay in ay ku sameeyeen guriga mas’uulkan oo ka tirsan Aqalka sare ee Soomaaliya.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idiin soo gudbin donnaa